Qeybtii 4aad;
“Hadda,” ayuu yiri. “Maxaad qabataa?”
“Waxna,” ayay tiri. “Balse waxyaabo badan ayaan isku dayay.” Ma aysan doonayn inay u sheegto shaqooyinka fud-fudud ee aan joogtada ahayn ee ay ku howlaneyd kuwaas oo laga yaabay inay shaqooyin ballaaran oo joogto ah ugasii gudbi doonto balse aysan wali helin.
“Marka, hadda waxna ma sawirtid miyaa gebi ahaan?”
“Kaliya ilinnada iyo darbiyada,” ayay kula kaftantay isna si xushmadaysan ayuu u muudsooday. Waxay xusuusaneysey fiidkii ay waqtiga ku qaadan jireen fasalkii ballaarnaa xilliga danbe ee dugsiga. Wuxuu fariisan jiray saacado suu u fiirsado sawiradeeda. Wuxuu mid-mid eegaba wuu idleyn jiray gedi sawiradeeda.
“Marka hadda halkeed Kismaayo ka joogtaa,” ayay su’aashay.
“Waqooyiga,” ayuu yiri. Wuxuu ku lahaa qol jiif ah Calanleey. Wuxuu hiyiga ka daaqayay habeennadii uu kaligii ku sugnaa aqalka uuna la’aa cid wehlisa.
“Adigana,” ayuu yiri kadib cabbaar uu aamusnaa.
“Koofur. Waa kob fiican. Guri ayaa nooga kireysan.” Waxay ka warwaraysay gurigii gidaaradda gaabnaa kaas oo ay ka kireysteen agagaaraha Far-janno. “Hayeeshe waxaan ku taamayaa iibsashada meel kale. Waana sababta aan halkan u imid. Waxaan rabaa inaan howlo badan isku dubba-rido,” ayay is-tustay iyada oo dib-u-gocanaysa dhanbaalladii xagiisa uga imaan jiray ee ay qolkeeda ku heli jirtay. Shalay un ayay ahayd kolkay aqrintooda bilowday.
Waa socotaa….
You must log in to post a comment.