WASHINGTON, DC (HN) – Kumaankun Muslimiin ah ayaa ugu yeeray Shirkadda Nike ee kobaha sameysa inay dib u eegis ku sameyso kobaheeda cusub Air Max kuwaas oo cagta hoose looga qoray kalmadda Allah oo af Carabi ah.
“Nike waxay runtii soo saartay kabo aanan ku habbooneyn in casriga nolosha maanta loo adeegsado sidii la doono maadaama ay ku dhigan yihiin kalmadda Allah oo runtii gef weyn ku ah ummad dhan caqiidadeeda,” ayuu yiri Saiqa Noreen.
“Tani waa bah dilaad iyo meel-ka-dhac loo geystay Islaamka iyo Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay.
