crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caro laga muujiyay kabo ay ku qoran yihiin Kalmadda Allah! | HimiloNetwork

Caro laga muujiyay kabo ay ku qoran yihiin Kalmadda Allah!

WASHINGTON, DC (HN) – Kumaankun Muslimiin ah ayaa ugu yeeray Shirkadda Nike ee kobaha sameysa inay dib u eegis ku sameyso kobaheeda cusub Air Max kuwaas oo cagta hoose looga qoray kalmadda Allah oo af Carabi ah.
“Nike waxay runtii soo saartay kabo aanan ku habbooneyn in casriga nolosha maanta loo adeegsado sidii la doono maadaama ay ku dhigan yihiin kalmadda Allah oo runtii gef weyn ku ah ummad dhan caqiidadeeda,” ayuu yiri Saiqa Noreen.
“Tani waa bah dilaad iyo meel-ka-dhac loo geystay Islaamka iyo Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay.

Sawir uu Noreen soo dhigay bartiisa ayaa muujinaya kobaha oo lagu qoray far Carabiga oo marka qumaati loo aqriyaba muujinaya Allah.
Nike ayaa, si kastaba, waxaa la weydiistay inay faahfaahin ka bixiso sababaha ka danbeeya sameynta kobahaan.
Nike ayaa markii labaad sidaan oo kale usoo saaraysa kabo lagu qoray kalmadda Allah. Waxay aheyd sannadkii 1997 markii sidaan oo kale ay usoo saartay kabo lagu sumaday qoraal muujinaya ereyga Allah.
Nike waxay sheegtay in ula-jeedkeedu uusan aheyn meel ka dhac ay ku heyso bulshada Muslimiinta, balse ay tani kamid tahay sumadaha ay u adeegsato wax soo saarkeeda.
“Nike waxay si dhab ah u qaadan doontaa xaaladda arrintan,” ayuu yiri wakiilkeeda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!