La kulan – Ninka beeray Shan Milyan oo Geedo ah!
Posted by: Himilo
in Wararka
January 31, 2019
628 Views
DELHI (HN) — Vishweshwar Dutt Saklani wuxuu dhintay Jan 18, 2019, balse waxaa waligiis jiraysa xusuustiisa iyo magacii uu ka tagay oo ahaa Tree Man of Uttarakhan. Wuxuu ahaa geyfane u halgamay beerista in ka badan shan milyan oo geedo ah.
Wuxuu degaankiisa awal ahaan jiray kob lama degaan ah uga tagay keyn baaxad weyn.
Saklani wuxuu noloshiisa la dhinac noolaa dhirta iyo geedaha. Wuxuu geedkii ugu horreeyey uu beeray isaga oo jira 8 sano wuuna sii waday beerista muddo ku siman 70 sannadood ilaa markii danbe uu lumiyay nimcada araga.
Duqnimaduna waxay sidoo kale u diiday inuu sii wado beerista geedaha uu jeclaa. Balse waa goor uu degaankiisa ka yeelay keyn ballaaran oo nooluhu ku kulmo.
Jaceylka uu u qabi jiray geedaha waa mid lagu yiqiin Saklani. Wuxuuna dhirta ugu yeeri jiray carruurtiisa. Hayeeshe in yar ayaa og sababta ka danbeysa jaceylka uu u qaaday dhir-beerista.

Ehelka Vishweshwar waxay wali og yihiin markii walaalkiis Nagendra Dutt Saklani, uu dhintay ay aheyd bilowga sheekadiisa. Subax walba wuxuu u bixi jiray keymaha, wuxuuna maalinkii oo dhan ku qaadan jiray gudaha keynta isaga oo beeraya geedo.
Kaddibna sannadkii 1958-kii waxaa haddana geeriyootay xaaskiisa. Wuxuuna bilaabay inuu waqtigiisa ugu badan ku dhex qaato keynta. Wuxuu xanuunka iyo tiiraanyada kasoo gaartay dhimashada walaalkiis iyio afadiisa kula dagaallami jiray beerista geedo hor leh oo keynta sii ballaarin jiray.
Saklani wuxuu beeray shan milyan oo geedo ah. Dadka degaanku waxay ku jeclaayeen jaceylka uu u qabo dhir-beerista. Hayeeshe, bilowgii hore, aad looma soo dhaweynin. Mararka qaar wuxuu la kulmi jiray gacan-ka-hadal iyo aflagaado.
Balse waligiis kama quusan kamana joogsan dhir-beerista.
Wuxuu ku dhintay da’da 96 jir.
“Aalaaba madhihi jirin waxaan dhalay 9 carruur ah, wuxuu oran jiray waxaa dhalay shan milyan oo carruur ah,” ayuu yiri wiilkiisa.
Sannadkii 1986, wuxuu ku guuleystay abaal-marinta Indira Priyadarshani Award oo kamid ah kuwo badan oo loo siiyay dadaalkiisa ku aadan badbaadinta degaanka.
Mar waxaa jirtay uu dab qabsaday keynta, balse wuxuu ogaa in geeduhu ay dib usoo dhalan doonaan kolka uu roobku curto.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2019-01-31
You must log in to post a comment.