DELHI (HN) — Vishweshwar Dutt Saklani wuxuu dhintay Jan 18, 2019, balse waxaa waligiis jiraysa xusuustiisa iyo magacii uu ka tagay oo ahaa Tree Man of Uttarakhan. Wuxuu ahaa geyfane u halgamay beerista in ka badan shan milyan oo geedo ah.
Wuxuu degaankiisa awal ahaan jiray kob lama degaan ah uga tagay keyn baaxad weyn.
Saklani wuxuu noloshiisa la dhinac noolaa dhirta iyo geedaha. Wuxuu geedkii ugu horreeyey uu beeray isaga oo jira 8 sano wuuna sii waday beerista muddo ku siman 70 sannadood ilaa markii danbe uu lumiyay nimcada araga.
Duqnimaduna waxay sidoo kale u diiday inuu sii wado beerista geedaha uu jeclaa. Balse waa goor uu degaankiisa ka yeelay keyn ballaaran oo nooluhu ku kulmo.
Jaceylka uu u qabi jiray geedaha waa mid lagu yiqiin Saklani. Wuxuuna dhirta ugu yeeri jiray carruurtiisa. Hayeeshe in yar ayaa og sababta ka danbeysa jaceylka uu u qaaday dhir-beerista.
