crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mahadhada ku dahsoon xeebaheenna!! | HimiloNetwork

Mahadhada ku dahsoon xeebaheenna!!

Muqdisho (Himilonews) – Kadib afar maalmood oo ay xeebaha kala duwan ee hareeraha caasimadda ku teedsan ka baadi-goobayeen wiilkoodii ay baddu la tagtay, maalintii afaraad ee Ciidda ayay ku heleen si lama filaan ah.
“Xilli ay quus ku dhawaatay rajadeenni ahayd inaan dib ula midowno meydka wiilkeenna ayaan saakay helnay,” ayuu u sheegay mareegta Himilonews.com mid kamid ah qaraabada meydka isaga oo tiiraanyo hadlaya.
“Waa Ilaah mahadiis, hadda waynu ku qanci karnaa meydkiisa. Waana ku samri karnaa inaan asturano haraadigiisa.”
Farhaan oo ah wiilka qudhiisa ku waayay badda, wuxuu ku darsamay kuwa xaqii uu dalkiisa ku lahaa ku waayay dadaal yari ay dhigtay dowladiisa. Marka dib loo tiriyo dhacdooyinka kuwiisa la eyniga ahna, hooyo walba oo Soomaaliyeed waxaa mahadho ku reebaysa inay indhaheeda ku aragto wiil keeda la mid ah oo baddu lasii tagayso.
Tan iyo markii ay dowladdu caasimadda kala wareegtay ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab—2011, sheekooyinka ku saabsan dadka baddu la tagto waxay Muqdisho ka noqotay kiisaska sida fudud bulshadu ugu baraarugtay. Xittaa u jeel-qabista in loo tamashlo ama dabaal tago, in badan kama foojigna halista ku jirta waxa ka dhalan kara guda-galkeeda.
Inkasta oo aysan jirin tira-koob sax ah oo lagu sameeyey dadka ay baddu la tagtay, hadana waxaa la rumaysan yahay in ugu yaraan 100-kii qofba uu mid ku sigto ama uu naftaba ku seego badda dhexdeeda.
Dowlad xaalado kala duwan oo dhinaca amniga ahi ku foolan yihiin, wax-ka-qabashada kiisaska nuucaan oo kale ah qorshaha uguma darsana.
Intii hadaba lagu guda-jiray baadi-goobka raqda uu ku baxay Farhaan, dadkii ku maqnaa waxay soo heleen meydad kale oo isla waqti, sida Farhaan, baddu la tagtay. Ugu yaraan shan-meydad labood ah oo lagu kala arkay xeebaha kala duwan ee caasimadda ku dherersan ayaa ka hor la keenay Farhaan taas oo ka dhigtay tirada meydadka la arkay ku dhawaad lix dhimaallo. Tani ayaa hadaba ka dhigan in badi dadka badda ku dhinta ay 100% u badan yihiin labood, halka dhedigoodkuna ka bad-qabaan hadimmada ka dhalata digtooni ku dabaal la’aanta.
Waxaa jira waxyaabo badan oo sal-dhig u ah dhimashada kadiska ah ee bad-ku-harfashada. Aqoon-yaridu waa doorka ugu weyn. Bilowgiiba, dhalintu waxay bareer ugu baxaan inay dabaashaan iyaga oo aan ku baraarugsaneyn baaxadda ay la egtahay halista ku jirta is-biimeynta. Hadba heer ayay maalinba kusii durgaan xeebta ilaa ay guntii wax u dhow 10-mitir gudaha ugusii dhaadhacaan. Tani ayaana ugu danbeyn sababta in, dabaashuhu, gabagabadii uu isku miidaamiyo meel-ka dheer inta karaankiisa ku habboon. Waana middan mid lamid ah tii uu Farxaan naftiisii ku waayay.
Hadda oo ay tii Alle ku sabreen, waalidka Farxaan waxay ku biiri doonaan waalidiinta aasay wiilashoodii ay ku taami jireen inay dhinacooda iilka dhigaan. Waano tebintuna waxay noqonaysaa hubka ugu wayn oo ay u adeegsan doonaan inay bulshada uga digaan tiiraanyada ku jiri karta in badda loo tamashlo tago.
Jeedaalinta hirarka iyo is-rog-rogista jabaqda maayadaha ee qalbiga xadanteeya iyo ku daal-tirashada xeebaha, waxay u baahan tahay in la iska xil-qaamo sidii nabad-galyo loogu daanshoon lahaa. Waana waajib samata-bixineed u furan inta ay dhibayso inay arkaan da’yar halkii ay ku raaxaysan lahaayeen rubaddooda ku waaya.
Balse taasi waa wax-qabad loo aayo oo ka dhalan kara qalqaalo loo galo samata-bixinta nafeed ee da’yarteenna. Inta laga gaarayase, waalidiin badan indhahoodu waxay kusii jeedaan badda si ay u hubsadaan kalsooni ku dhalisa qalbigooda inay dib caruurtooda ugu diraan badda.
Hadaba u sheeg, http://himilonetwork.com://himilonetwork.com, sida ugu fudud ee looga hortagi karo badbaadinta da’yarteenna ku dabaasha xeebaha. Maxay kula tahay in la sameyn karo si looga hortago dhimasho hor leh oo ka dhalata dabaasha?!
Fikirkaagu waa inoo muhiim fadlan. Noogu reeb aragtidaada boggeenna Facebook-ga.
Isha: Himilonews.com.
Qalinkii; Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!