crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dabeecadda iyo Soomaalida!! | HimiloNetwork

Dabeecadda iyo Soomaalida!!

Muqdisho – Marka aynu mala-xumeeyaal noqono, waa mar kasta oo aan kasii fogaanno gaarista nolosha dhabta ah. Marka aynu mala-qurxiyaal noqono, waa mar kasta oo aan kusii dhawaanno dhadhansiga xeesha dheer ee nolosha dhabta ah.
Xeel-dheerida garaadnimo ee Soomaalida iyo af-maalnimada gobeed ee uu Eebe ku galladay, in badan oo kamid ah, sida taban uma adeegsadaan.
Uursami jiri mayso inta af-xumidu joogto; af-xumiduna tagi mayso inta is-qadarintu maqan tahay; is-qadarina lagaari maayo inta Alle uunkiisa lagu qancayo oo la xurmaynayo.
Waxa hubaal ah inaynu waxaynu uga baahi badan nahay yihiin waxa ugu yar ee nolosheenna ka maqan—ugu yaraan qadarin, ugu badnaan amaan—si bulsho uurka ka tiraabta oo afka laga garto kal-fayoobideeda loo gaaro.
Waxaan qabaa in kalgacal dhab ah iyo garsoor dheelli-tiran oo bulshadu isu-gudbisaa looga maarmi lahaa is-faham waaga iyo maadeyska aan idlaaneyn ee dallaalayda siyaasadu umadda ku maaweeliyaan.
Waxaa qoray; Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!