Istanbul, Turkey (HIMILONEWS) – Ku dhawaaqistii ay Jaamacadda Birmingham kusoo raad-heshay Kutub-Qur’aaneedka ugu da’da weyn dunida ayaa dhalisay doodo ay cilmi-baarayaasha Muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha dunida ku qayaxaan inuu yahay midkii ugu cimriga dheeraa taariikhda la hayo.
“Waxaynu u yeernay Jaamacadda waxaana ka codsanay dhigga “transcript” in inaga la inoo soo diro. Si kastaba, waxaa jira su’aalo badan. Waa imisa baalal dhiggu? Ma jiro xog su saabsan su’aashani,” Halit Eren oo ah xog-hayaha guud ee Xarunta Cilmi-baarista Sooyaalka Islaamka, Dhaqanka iyo Farshaxanka ayuu u sheegay Anadolu Agency.
“Gudaha internetka waxay u muuqataa inay jiraan labo folios. Hadday tahay middaas. Dhigga Qur’aan ee yaalla Topkapi Palace waxaa midka dhamaystiran. Tani waxay la micno tahay madalaynta Carbon-ka waa in lagu eegaa sidoo kale dhigga.”
Topkapi waa qasri wayn oo ku yaalla Istanbul kaas oo ahaa dagmadii koobaad ee Salaadiintii Cismaaniyiinta muddo ku dhow 400—sano kahor kuna beegan 624-kii.
Qasrigu hadda wuxuu u shaqeeyaa sida Matxaf lagu soo ban-dhigo agabyada dhif-dhifka ah ee la xiriira if-usoo-bixii Islaamka.
Ku-dhawaaqistan ayaa ka danbaysay kadib falanqeyn sayniseed muddo lagu raad-gurayay taas oo ugu danbeyntii caadka soo dhigtay in dhigga la qoray xilli u dhaxeeya 568CE iyo 645CE—taas oo ah 95.4% mid dhab ah.
Dhigga ayaa ka kooban suurado 18—20 tirada Qur’aanka kariimka ah oo lagu qoray habkii-dhig hore oo Carbeed oo lagu magacaabi jiray Hijaz.
Qur’aanka ayaa ah waxyi ka yimid Eebe agtiisa; uumaha dunida. Waxaa jira hal Qur’aan kaas oo ku dhigan af-Carabiga. Hayeeshe, kusoo baxa tarjumaad badan oo afaf kala duwan leh.
Isha: Himilonews.com.
Waxaa qoray Zakariya Hassan.