crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waayihi Mandheera wali halkiisii!! | HimiloNetwork

Waayihi Mandheera wali halkiisii!!

Qeybtii 3aad;
7—sano kahor tirakoob lagu sameeyey tirada ku nool Mandheera ayaa lagu ogaaday inay tahay hal milyan oo boqol kun dhiman. Maanta, sida la rumaysan yahay, tiradaas waxaa ku kordhay ¼ intii ay xilligaas ahayd. Waxaana jira waxyaabo badan oo dib-u-dhigay inay sii kororto. Nabad-galyo xumida iyo dirirta qabyaaladdu waa lagama fursaan halkan.
Taniyo markii ay ciidama Kenya gudaha u galeen Soomaaliya, ururka Islaamiga ee Al-shabaab waxay bartilmaameed ka dhigteen, si gaar ah, deegaanka Mandheera. Dhacdooyin dhiillaysan iyo kuwo saameyn ba’an ku reebay daganayaasha Mandheera ayaa magaalada ka dhashay. Dilalka qorshaysan iyo weerarada tooska ahna waxay noqdeen waxa si joogto ah magaalada uga dhaca. Ciidamada, xarumaha dowladda iyo shaqaalaha qaar ee dowladda ayaa bartilmaameed u noqday ururka Al-shabaab. Diin-takooristu waxay noqotay hab-ugaarsi cusub oo laga bartay weerarada Al-shabaab. Waxaa jira dilal badan oo la xiriira diin-takoorista oo ka dhacay Mandheera taas oo loo geystay dad madow-Kenyan-Kiristan ah oo aan waxba galabsan oo xoogsi u yimid magaalada. Tani waxay dhalisay inuu fad-qalal ku yimaado wada noolaanshaha bulshada guud ahaan. Marka bare, xoogsade ama diktoor aan Soomaali ahayn loo dilay caqiidadooda, waxay sababtay inay iska huleelaan magaalada. Waxaa kale oo dhashay kala irdhow ku yimid bulshadii ku wada dhaqdeen wax-wadaagga iyo wax-is-weydaarsiga. Mar kasta oo qof wax-ku-ool u ah magaalada kasii tago—sababo amni awgeed—Mandheera waxay tahli waysaa helidda kuwa badali kara boosaska ay banneeyaan. Kiis gudihiis, mar qaar kamid ah barayaasha dugsiyada Dowladda ay iskaga hayaameen magaalada, waxaa jah-wareer ku dhashay hab-socodkii manjahka iyo dheelli ku yimid dhamaystirka sanad-dugsiyeedka. Tani waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee dib u dhigaya horumarka deegaanka ee dhanka waxbarashada.
Waa socotaa………
Qalinkii; Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!