Waayihii Mandheera wali halkiisii!!
Posted by: Zakariya
in Wararka
August 1, 2015
554 Views
Qeybtii 4aad;
Gu’yaal badan kahor—gaar ahaan intii aanay KDF gudaha u galin Soomaaliya—dadka ku nool Mandheera waxay ku naaloon jireen daganaan iyo dardar xoogan oo dhanka kaabayaasha nolosha ah. Mar kasta oo dowladda Kenya kasii dheerayd fara-galinta Soomaaliya—si toos ah—Mandheera waxay ku raaxaysan jirtay nabad-galyo iyo naruurooyin door ah oo ay kala sinneyd magaalooyinka asaageeda ah.
Qabyaaladda ayaa iyaduna waayo badan weerar ku ahayd faya-qabka qalbiyo saafi ah oo ka madax-banaani nabaradeeda. Inkasta oo ay Mandheera tahay magaalo-xadeed milgo ugu fadhida qof kasta oo danley ah, hadana deegaansigeeda looma wada sinna. Waxaa shaki uusan ku jirin in beelo Soomaaliyeed kaga badan yihiin kuwa kale. Garre, Dagoodiya iyo Murulle ayaa ah beelaha ugu tirada roon Mandheera. Mareexaan, Gawaaweyn, Xawaadle, Shiikhaal iyo kuwa badan ayaa iyaguna ku nool magaalada.
In beelo Soomaaliyeed is-dagaalaan, maanta ugub kuma ahan taariikhda madow ee sooyaalkeenna. Hayeeshe, waxa yaabka badan ee halkan ka jira waxaa weeye sed-bursiino. Sed-bursiinadu waxay door hurineed ku leedahay caabuqa qabyaaladda. Mar kasta oo dan-guud lagu kaltamayo, sedbursiinyadu waa lagama fursaan. Marka si kale loo hadlana, sedbursiinyadu waa hubka ugu wayn ee ay adeegsadaan siyaasiyiinta danleyda ah iyo qabiiliga ku qaraabta heybtiisa qabiilnimo. Mar kasta oo ay sed-bursiga ku go’aan, yaab kuguma ahan inaad maqasho durbaankii qabyaaladda.
Waxaa kale oo iyadna jirta isir-faquuq iyo is-liid-liid bulshada ku faafsan. Tani waxay hadaba la wadaagtaa Soomaalida kale oo ilbaxnimo moodda laan-dheeranimada. Inkasta oo aan si dhab ah loo falan-qeyn Karin maaxdii soo burqatay caabuqa qabyaaladda, hadana waxaa marag ma doonto ah in saameynteedu aad halis u noqotay. Hadimada qabyaaladu, si kastaba, waxay dib-u-dhac u keentay wax badan oo magaalada Mandheera dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda beekhaamin lahaa. Waana kaliya qabyaaladda midda ay eersadaan dad badan oo reer Mandheera ah.
Waa socotaa…
Qalinkii; Zakariya Hassan.
Related
2015-08-01
You must log in to post a comment.