Baxaalliga Maroodiga!
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
August 1, 2015
928 Views
Qeybtii labaad;
Maroodiga oo isku raacda Raxan-raxan, xilliga kuleylaha, waxay u hayaamaan keymaha iyo dhulalka sarreeya halkaas oo ay ka heli karaan baad iyo biyo ku filan. Xilli roobaadkana waxay u baqoolaan dhulka cagaaran ee siman.
Sidka Maroodiga waxaa loo shintiriyaa 22 Bilood. Waana noolaha ugu sidka dheer. Dhallaanka Maroodigu wuxuu culeyskiisu gaaraa 80 kg xilliga ugu horreeya dhalashadiisa. Dhasha Maroodigu waxay jaqdaa naaska muddo ku dhow afar sano. Inkasta oo uu Maroodigu qiro iyo dhumuc weyn yahay hadana dabaasha ayuu ku ba’an yahay. Maroodigu wuu aragti liitaa. Dareen-sidaha maqalkuna aad uma fiicna tiiyoo dhego waaweyni ku shakaalan yiihiin. Balse wuxuu durba wax ku dareemaa urta oo uu halista uga digtoon yahay.
Gacanta Maroodigu waa xubnaha ugu muhiimsan Jirkiisa. Waxay gaartaa dhulka. Waxaana ka sameysma sanka iyo bushinta sare. Gacanta waxaa loo adeegsadaa wax-cunis, astaan uris iyo taabasho. Waxaa kale oo loo adeegsadaa rujinta walxaha culus. Kolka ay ramasho iyo kalgaceyl majeersanayaan, waxay isku xoodaamiyaan gacanta si ay iskugu muujiyaan jaceyl iyo naxariis.
Xigasho–buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariiya Hassan “Hiraal”
Related
2015-08-01
You must log in to post a comment.