crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jarmalka oo furaya Bangi Islaami ah. | HimiloNetwork

Jarmalka oo furaya Bangi Islaami ah.

Berlin, Germany— Jarmalka ayaa si rasmi ah uga furtay Bangigii ugu horreeyey ee Islaami ah oo ku shaqeeya shareecada magaalada Frankfurt—kaas oo Muslimiinta Jarmalka siin doona fursad fiican oo ay ku helaan maal-gashi xalaal ah.
“Waynu ku faanaynaa inaan helno shati-gan,” Hamad Al-marzouq, hoggaanka gudiga guriga dhaqaalaha Kuwait ayaa u sheegay KUNA.
“Dhaqan-galinta Bangi ku shaqeeya habka shareecada aad buu muhiim ugu yahay dhamaan dadyowga iyo dalka Jarmalka,” ayuu kusii daray.
Marzouq ayaa hadlayay intii lagu guda-jiray xafladda furitaanka oo lagu qabtay xarunta ugu weyn bangiga ee ku taalla Frankfurt.
Ugurlu Soylu, oo ah maareeyaha guud ee bangiga KT Bank ayaa sheegay in bangiga cusub laga filayo inuu sara-u-qaado dhaqaale run ah.
“Gunta hoose, macmiil ahaan majirto duwanaan ku jirta in wax lagu iibsado dul-saar. Waanu ka dheernahay dulsaarka,” Soylu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Jarmalka.
Wuxuu intaas ku daray in bangiga Islaamiga ah uu ribix u yahay hab-wareegga isku xiran ee dhaqan-dhaqaalaha iyo kororka maaliyadeed ee qof walba.
Ka dhigista Frankfurt xaruntiisa koobaad, bangiga cusubi waxaa laga dhursugayaa inuu daboolo baahida Muslimiinta labaad ee ugu badan Yurub kuwaas oo badigood asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.
Kuveyt Turk, waa kan ugu wayn bangiyada Islaamiga ah ee Turkiga; 62% waxaa milkiyadiisa leh KFH. Hadda, amaah-bixiyaha ayaa sheegay inay maal-galin u bixinayaan raasa-maal dhan 45—malyuun oo Euros una dhiganta 48.7$ malyuun xaruntooda Jarmalka.
Islaamka ayaa Muslimiinta u diida dulsaarrada ribada ah iyo ka dheef-jiidashada ribix-doonayaasha. Bangiyada Islaamka ayaan qaban ama bixin deeqaha ku lugta-leh Khamriga, Qamaarka, Jinsiga, Maandooriyaha, hubka iyo wixii lamid ah.
Sanadihii danbe ee dhawaa, bangiyada Islaamku waxay raad ku yeesheen horu-kicinta dhaqaalaha Yurub. Biritin ayaa ah bu’da ugu balaaran ee baaxad-sooratay hirgalinta bangiyo Islaami ah oo ku dhow ilaa shan bangi oo qaab horumarsan u shaqeeya. Halka dowladda Luxembourg qorshaynayso inay mid iyada u gaar ah dhawaan dhidibada u taagato.
Baahiyaha loo qabo hirgalinta bangiyo Islaami ah ayaa kusoo beegmaya jeer dhaqaalaha reer Yurub uu hoos usii liicayo. Tallaabooyinkanina waxay u muuqdaan kuwa xal u noqon kara inay Yurub kasoo kabsato dib-u-dhaca ku yimid dhaqaalaheeda. Balse su’aal ayaa ku jirta sida Yurub ku qaadanayso hab-sharciyeedka Islaamka ee ku aadan bangiyada iyada oo aan diin ahaan u qaadan caqiidadeeda?!
Si kastaba, tani waa dow kamid ah hababka uu ku fidayo Islaamka oo sida la tilmaamay Yurub ka dhigi doona qaarad Muslimiintu aysan ku furan doonin qori, argagax, seef iyo billaawe balse ku furan doonaan dhaqan iyo ilbaxnimo qarni gudihiis.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!