Islaamka oo shacbiyad badan ku yeeshay dhalinyarada Shiinaha: Sahan.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
August 5, 2015
398 Views
Muqdisho (Himilonews) – Ka billa-daysiga diinta labaad ee ugu kororka badan dunida, sahan dhawaan la helay ayaa muujiyay in Islaamku noqday diinta ugu badan ee ay qaataan dhalinyarada Shiinaha ee 30—jiradda ah taas oo ka sara-martay Buudiska iyo Katooligga gudaha dalka Asian-ka ah.
“Islaamku wuxuu ku socdaa inuu helo tira badan oo da’yar ah,” Wei Dedong oo ah Bunni ku xeel-dheer culuumta Buudistaha ee Jaamacadda Renmin China kaas oo ka qeyb-qaatay raad-raaca ayaa Talaadadii u sheegay Global Times.
Badi Muslimiinta dalkan waa qowmiyado tira yar waana wax guud in haweeneyda Muslimka ah dhasho caruur dhowr ah.
“Caruurtu waxay sidoo kale noqonayaan Muslimiin halka ay dhif tahay in la arko waayeel Muslim noqonaya.”
Marka loo eego sahan diimeedka Shiinaha ee 2015, Islaamku waa tirada ugu sarreysa ee da’yartu qaadatay oo ah 22.4% oo da’da 30-jirrada ka hooseysa ah.
Islaamka waxaa kusoo xiga Katooliga oo ay ka qaateen 22% dhalinyarada Shiinaha. Docda kale, in-ka-badan Shiinaha barkeeda oo da’da 60—jirka kor u dhaafay ayaa raacsan Buudistaha iyo Taoism-ka.
Raad-raacayaasha ayaa aaminsan in booqashada ay hey’adaha Dowladda ku bixinayaan xarumaha diimaha looga gol leeyahay in lagu adkeeyo xiriirka dowladda iyo koox diimeedyada.
Islaamka ayaa si xowli ah ugu fidaya cirifyada dunida. Waa diinta ugu faafista badan. Waxaana la rumaysan yahay in bil kasta tiro badan oo Muslim-cusub ah kusoo biiraan bulshada Islaamka.
Sida ay cilmi-baarayaashu sheegaan, Islaamku wuxuu noqon doonaa diinta ugu awoodda badan dunida wax ka yar nus-qarni dabadiis. Muslimiinta ayaana looga fadhiyaa inay dunida ku hagaan garsoor iyo gacaltooyo.
Islaamka oo ah xalka kaliya ee haqab-tiri kara baahi kasta oo nolosha ku saabsan, ayaa dhawaanahan waxaa isasoo tarayay hamuunta ay u qabaan dadyowga aan Muslimka ahayn. Halka kuwa badan oo Islaamka ku barbaaray aysan wali baran qaabkii ay u gudbin lahaayeen biyaha nolosha ee gacantooda ku jira.
Balse taasi waxay ku jirtaa deeqda yeermadeenna. Inta si guud loogu wada jeesanayose, dad badan waxay Alle hor-tagayaan iyaga oo biyihii nolosha ee gacanteenna ku jiray ka haraadan.
Biyaha Nolosha = “Islaamka.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-08-05
You must log in to post a comment.