crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 10–siyaalood oo Saaxiibku kuugu wanaagsan yahay!! | HimiloNetwork

10–siyaalood oo Saaxiibku kuugu wanaagsan yahay!!

Muqdisho (Himilonews) – Sida sax ahaan loo yiri, “Saaxiibka kula rafaada ayaa ah saaxiibkada runta ah”. Saaxiibnimadu waa qeyb muhiim u ah nolosha qof kasta. Wax walba oo kula qaaban ayaad kala hadashaa; la wadaagtaa sirta noloshaada. La raaxaysigooda iyo la qeybsiga waqtigaada waa riyaaq mar walba; qof kasta wuxuu si qoto dheer u ogol yahay in saaxiib la’aan noloshu ay xiisa-gal noqoteen. Dhabtii, wax kasta oo aad tahay qof ahaan, waxaa si wayn kuu raadeeya nuuca saaxiib ee aad leedahay. Sidaas darteed, saaxiib-yeelashadu waa muhiim. Mararka qaar wax bay ku baraan; ku garansiiyaan waxyaalo cusub; kuu tilmaamaan gafafkaada; kuguna kaalmeeyaan inay ku saxaan. Kolka aad wax u baahatana, saaxiibku waa kan kugu deeqa tusmo halaasi ah, jaceyl, daryeel iyo taageero.
Caadi ahaan, saaxiibadu waa mid kamid ah awoodaha waaweyn ee qofku leeyahay qoyska kadib. Gaf may noqoteen in la yiraahdo saaxiibada fiicani waxay si fudud ku noqdaan qeyb kamid ah qoyskaada. Farqiga kaliya ee ahaanshaha qoys iyo wada-dhalasho waxaa sameeya Eebe, hayeeshe, saaxiibada waa go’aan noloshaada aad u doorto.
Sidaas darteed, waa muhiim qofka aad u dooranayso saaxiib ahaan; go’aankanina waa inuu maan-gal kuu noqdaa maadaama saaxiibadu gudbiyaan aragtidaada. Marka laga yimaado la tagista saaxibada goobaha lagu shaaho ama in lala dukaameysto, saaxiibadu waxay muhiimad wayn u leeyihiin nolosha qof kasta. Wali ma mala’awaashay waxay noloshu noqon lahayd iyaga la’aantood?! Way adag tahay in la suuraysto.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!