10–siyaalood oo Saaxiibku kuugu wanaagsan yahay!!

Qeybtii labaad:
Hadaba, aynu soo helno sababta iyo sida aan saaxiib looga maarmin. Himilonews.com waxay halkan idin kugu soo gudbinaysaa 10—ka siyaabood ee noo sheegaya sababta ay saaxiibadaadu muhiim kuugu yihiin.
  1. Inaad shaqsi ahaan ku horumarto “To grow indivitually.”
  2. Wuxuu ku haleeshiiyaa dhiirrinimadaada; kuna siiyaa kalsooni.
  3. Wuxuu kuugu deeqaa tix-galin saafi ah.
  4. Wuxuu ku baraa waaya’aragnimada nolosha iyo inaad xushmayso kala duwanaanshaha—xiriir mug leh waxaa loo amaamudaa laba walxood; ugu horreyn, in la qadariyo isu-dhignaanshaha iyo in la qiimeeyo kala duwanaashaha.
  5. Daryeel iyo jaceyl shuruud la’aan ah ayaad ka heshaa.
  6. Wuu ku gargaaraa kuna kaalmeeyaa.
  7. Waxaad la wadaagtaa sirta iyo waxyaalo kale oo door kuu leh.
  8. Wuxuu ku siiyaa doorasho iyo xulasho saafi ah.
  9. Wuxuu had iyo jeer kugula sugnaadaa sooraha u dhaxeeya raaxada iyo rafaadka.
  10. Wuxuu kula qaataa waqti; kula qeybsadaa rayraynta.
    Qalinkii: Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!