crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 10–siyaalood oo Saaxiibku kuugu wanaagsan yahay!! | HimiloNetwork

10–siyaalood oo Saaxiibku kuugu wanaagsan yahay!!

Qeybtii 3aad:
Hadaba, waa maxay Saaxiibtinimo?
Saaxiibtinimadu waa jaceyl aan baalal lahayn. Saaxiibtinimadu waa hadiyad qiima badan oo aan la gadan Karin ama aan lasoo iibsan Karin. Hayeeshe, in la helo saaxiib ku kaamila waa ka qiima badan yahay dahabka. Saaxiibkaas waa inuu noqdaa mid noloshaada baraare u horseeda oo uusan noqon mid cidla kugu beylaha.
Caloolsami waysii jiraysaa inta la gocanayno dhurkii shalay. Inta himilo la leeyahay berito wayna sugaysaa. Inta aan leenahay saaxiibo rumaadne, maalin kasta waxay leedahay milgo.
Waqtiyada ay wadaagaan saaxiibada runta ah waa sida qaanso-roobaad—aad u gaaban—balse qurux badan. Waxay wada qaataan xilliyo kuwaas oo ku ebyama qurux iyo yididiilo.
Saaxiibtinimo dhaxal-gal noqotaa waxaa loo alkumaa laba arrimood: in la helo maan isku mid ah iyo in la tix-galiyo kala maan noqoshada. Hadaba, saaxiibtinimada la sameynayo waa inay ku dhisnaato labadaas arrimood.
Qalinkii: Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!