crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qaraar lagu dalbanayo awood-buuxda siinta Erdogan oo loo gudbiyay barlamaanka Turkiga | HimiloNetwork

Qaraar lagu dalbanayo awood-buuxda siinta Erdogan oo loo gudbiyay barlamaanka Turkiga

Ankara (Himilonews) – Xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa sabtidii barlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar lagu codsanayo in lagu kordhiyo awoodda madaxweynanimo ee Erdogan, tallaab kuwa kasoo horjeedaa u arkaan inay dalka ku maamuleyso kali-talisnimo.
Wax kabadlista dastuurka dalkaas ee uu Erdogan sameeyey taniyo markii uu noqday madaxweyne 2014-kii, waxay ka dhigi kartaa hadday ansaxdo inuu lamid noqdo sida awoodaha ay heystaan madaxda Maraykanka iyo Faransiiska.
Taageerayaashiisa ayaa ayidsan tallaabtan – iyaga oo rumeysan inay xejinayo hannaanka siyaasadda Turkiga. Hayeeshe, waxay heleysaa shacbiyad kala diidan aragtideeda oo ku gadaaman ninka adag ‘strongman.’
Tani waxay imaaneysaa xilli mowjado culus ay ku hareersameen daganaanshiyaha dalka Turkiga oo af-ganbi fashilmay iyo qaraxyo lagu hoobtay ay ka dhaceen.
Qaraarka ayaa si kastaba waxaa loo gudbiyay golaha shacbiga Turkiga kadib wadahallo dhexmaray xisbiga AKP, ra’iisulwasaare Bin Ali Yildirim iyo xisbiga dhaqdhaqaaqa qaran, marka loo eego wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency.
Xisbiga dhaqdhaqaaqa ayaa ah midka afaraad ee ugu weyn dalkaas, AKP ayaana u baahan codadkiisa si qaraarkan uu u noqdo mid la ansixiyo.
AKP ayaa hadda heysa 316 kuraas wuxuuna u baahan yahay inuu hantiyo 14 kuraas si loo dhaqan-geliyo qaraarkan.
Isaga oo kahor hadlayay dibadbax balaaran, Erdogan wuxuu sheegay in ansixinta qaraarkan cuusb uu Turkiga u furi doono baal cusub oo taariikhi ah.
Xsibiyada mucaaradka ugu waaweyn ee Republican People’s Party iyo kan Kurdishka ayaa si cad uga horyimid qaraarkan larabo in la marsiiyo barlamaanka kaas oo haddii uu miradhalo awood buuxda siin doona mr. Erdogan.
“Tani waa rajiim badalid ee ma ahan nidaam badalid,” ayuu yiri Kilic daroglu oo karitsan Jamhuuriga.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!