Inta fiican ayaa ka badan inta xun – aqriso sababta!
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 15, 2016
585 Views
Riyad (Himilonews) – Nin sabool ah oo kamid ah dadka nadaafadda ka shaqeeya gudaha caasiamdda Riyad ayaa ogaaday in dadku kula maadeysanayaan deymo uu deymooday dahab ku jiray muraayado xilli uu xaaqayay wado kamid ah jidadka magaalada madaxda Sucuudiga.
Qof ayaa qaaday sawirka ninkan 65-jirka ah oo lagu magacaabo Nazar al-Islam Abdul Karim oo fiirinaya dahab ku jira xarunta kaabiga ku haysa jidka uu ku howlanaa nadaafaddiisa.
Sawirkaas uu dahabka fiirinayay waxaa barta Instagram-ka soo dhigay qof: isaga oo kula jeej-jeesaya; ninkani wuxuu kaliya u qalmaa inuu deymoodo qashinka iyo wasaqda.
Samafale Abdullahi al-Qahtani, oo 38-jir ah, ayaa si kulul uga carooday oraahdaas lagula kacay qofkaas Muslimka ah ee hadana saboolka iska ah. Wuxuuna go’aansaday inuu raadiyo ninkaas uuna u iibiyo dahabkiisa lagu canbaareeyey inuu fiiriyay.
Muuqaalkiisa danbe ee lagu abaalmariyay dahabka waxaa barta bulshada ku wadaagay 6,500 oo qofood taas oo ay awoodeen inay bar-gartaan jaaha ninkan oo ku shaqeeeya 187-doolar bishiiba.
Dad badan ayaa hadyado usoo diray oo ay kamid yihiin lacag, iPhone iyo dahab. Karim wuxuu sheegay inuu aad uga mahad-naqay kuwa usoo baxay si ay u caawiyaan.
Jeer iyo hadana, haweeneyda daabacday qoraalkan foosha xun ayaa heshay oraahyo canbaareyn, naceyb iyo liidnaan isugu jirta taas oo ku qasabtay inay barteeda bulshada block-saarato taniyo muddo cayiman.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-15
You must log in to post a comment.