Wax kabaro Jiirka ama Doolliga
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 15, 2016
1,713 Views
Muqdisho (Himilonews) – Bahal yar oo kamid ah dhirxagatada oo leh dhego waaweyn iyo dabo dheer; Doolli. Waxay badi ku dhaqmaan saqafyada aqallada, godadka iyo hareeraha jikooyinka. Culeyskoodu waa culaab dhan 19 garaam. Cimri dhererkoodu wuxuu gaaraa laba sano. Sidkooda waxaa loo shintiriyaa 20-maalmood. Dhedigta Jiirka waxay ku uureysan kartaa da’da laba bilood. Waxyar kadib 48-saac gudahood kadib dhalmadooda, waxay qaadi karaan uur labaad.
Ku dhawaad 15-20 jeer ayay maalinkii wax cunaan. Waana taas sababta mar kasta loogu arko meelaha lagu keydiyo raashiinka iyo hareeraha biyaha.
Ha moodin in dadka oo kaliya ay yihiin romaansii. Marka labka Jiirku uu shukaansanayo Dhedigta, wuxuu u qaadaa hees jiireed u gaar ah – isaga oo ku beerdulucsada lammaantiisa.
Layaabkiisa waxaa kale oo kamid ah inuu meyd iska dhigo marka uu dhiillo dareemo. Waxyar kadib markuu hubsado in dhiiladu dagtana, wuxuu ku mirqaa godkiisa.
Dabadiisu waxay dheer tahay inta uu jirkiisa kale dheer yahay. Waxay dareenka jira iskugu gudbiyaan dhawaq u gaar ah oo u sahla in kan la qabto mooyee, kuwa kale bad-galaan.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Jiirka waxaa kamid ah;
-
Doolli boodboodkiis, Mukulaal xanaaqeeda waaye.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-15
You must log in to post a comment.