crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!! | HimiloNetwork

Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!

images (2) images (7)images (10)
Mandera oo kamid ah magaalo-xuduudeedka kobtan ku wada yaalla oo ologna la ah dagmada Baladxaawo iyo Sufta, waxay dhacdaa cirirf-dhamaadka waxa maanta loogu yeero Waqooyi Bari Kenya oo ah is-rogga magaceed ee NFD. Si aad ayay magaaaladani u balaaratay. In-ka badan nusqarni oo ay dhidibada u aasneyd, maanta waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Kenyada xorta ah . Kororka xagga dadka, deegaan fidaalay iyo ilo-dhaqaale oo magaalada furfuray ayaa ka dhigtay mid kamid ah magaalooyinka ugu ganacsiga toolmoon waqooyiga Kenya.
Kobaca dadeed iyo deegaaneed ee ay Mandheera balaaratay, waxay marag-ma-doonto u noqotay murtidii Soomaaliyeed ee xulnimada deegaanka lagu dooran jiray oo ahayd, “magaalo xeeb ama xuduud baa laga dagaa.”
Magaca Mandheera waa mid la kowsaday, sida waayahannadu tibaaxaan, bilowgii ugu horreeyey dugsimaalkeeda. Aragtiyo isku dhow ayaa laga soo dhiran-dhiriyaa macnaha dhabta ee Mandheera kasoo jeedo. Dib-u-raad-galista magaca ayaa ku filan inuu sawir qayaxan kasoo dhanbalo hab-nololeedka deegaan oo Mandheertu kugu hagi karto.
Mandheera waxay 1100—km waqooyi bari ka xigtaa magaala-madaxda Kenya ee Nairobi. Waa halka uu kasoo ibafurmo xadka saddex-xagalka ah ee Kenya la wadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya.
Hareeraha waxaa ka gadaaman buuro yaryar. Gudaha magaaladana waxaa mara harooyin togag qalalan ah. Dacalka galbeedna waxaa ka mara wabiga Daawa oo kasoo shubma bariga Itoobiya. Webigu sida kan labada Doolow ee soohdimaha wadaaga wuxuu xad-soore kala qeybiya u yahay labadan magaalo.
Dadka ku nool cirifyada harooyinka waxay halis galaan kolkuu webiga kusoo fataho ama roob mahiigaan ahi ku hooro. Halista ugu daranna waa guryaha oo ka duma iyo dhimashada dad iyo duunyo oo daadku qaado.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!