crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!! | HimiloNetwork

Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!

Qeybtii 1aad;

Soohdimaha ay wadaagaan dalalka geeska Afrika dhaca, waxaa ku sugan kob seere saddex-xagaley ah oo saddex dal u kala dhanbalmata; taas oo ah mid kamid ah soohdimaha ay dhifka ku ah isla Afrikada hodanka. Soohdintaas saddex-xagaleyda ah waa kobta kala qeybisa saddex kamid ah shanta Soomaali weyntu ab iyo ayba u leedahay.

Kobtani waa baaxad-sooraha kala qeybiya xuduud beenaadka gobollada Soomaali galbeed ee Itoobiya, dhulkii la oran jiray Jubada sare ee Gumeystihii Talyaaniga ee koofurta Soomaaliya iyo NFD oo joogadeenna loogu yeero waqooyi bari Kenya.

Si aad ah ayay kobtani u noqotay mid kamid ah meelaha Soomaalidu ku kulmaan; kuna dhaqan iyo dheef kala qaataan. Isku dhignaanta xagga dhalasheed iyo ku kala dhaqnaanta dowlado kala duwan ayay taariikh-yahannadu sheegaan inay sababi karto mid kamid ah ilbaxnimada qarniga 21aad ka dhalan doonta geeska Afrika gaar ahaan geyiga Soomaalida.

Inkasta oo maamullo kala duwani xilliyo kala duwan ay majaraha usoo hayeen, hadana nolosha halkani ka jirta waa nolol waaya’aragnimo badan. Kala dheelminta ummad isku qowmiyad ah oo midabka, magaca iyo milgaba wadaaga, ayaa ah mid kamid ah mahadhada waayajoogga xilli kasta uu maankiisa ku qabbiray. Nasiib-wanaag, sida bulshadu iskugu maran tahay miyi iyo magaalo oo ay Soomaalinimada iskugu dumaan ayaa ku filan wax lagu naaloodo.

Dadka ku nool halkani waxay u nool yihiin sidii ay waligoodba u noolaayeen; noloshuna ma dhib badna. Nimcada uu Eebe siiyay kasokow, isku gooshka ay isugu gudbaan iyo gaddiska ay is-dhaafsadaan ayaa sidoo kale ka dhigtay inuu xiriirka ka dhaxeeya uu noqdo ul iyo diir; si kastaba isugu dhagan oo aan kala dheeliyin har iyo habeen.

Qalinkii; Zakariya Hassan “Hiraal.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!