Marka uu maal-qabeenku lacagtiisa ku labisto

Pretoria (Himilonews) – Michael Andile Dlamini, oo ah maalqabeen dhiryaqaan ah oo kasoo jeeda Nongoma, Koofur Africa ayaa noqday in loogu yeero ‘Mzimb’okhalimali’ – Jirka ku lamaanan lacagta, kadib markii uu bilaabay xirashada lacag nool oo kamid ah lacagta Rand ee laga isticmaalo gudaha dalkaas – si uu u muujiyo hodantinimadiisa.
Dlamini ayaa saddax sano kahor wuxuu bilaabay inuu ka ganacsado dhirta isaga oo ku daweeya dadka dawo dhireedka, kadib markii sida uu sheegay uu dhageystay codka abshaxankiisa.
Doorashadiisa ayaa noqotay wixii ugu fiicnaa ee abid ku dhaca. 33-jirkan ayaa ugu danbeyn awooday lacag badan inuu ka sameeyo iibinta dawo dhireedka. Wuxuu ku faanay inuu maalinkii faa’iido ahaan u helo ribix dhan 1,000 ilaa 1,500 oo Doolarka Maraykanka ah.
Balse falkiisa ayaa noqday kii ugu yaabka badnaa gudaha iyo dunida ka baxsan Koofur Afrika.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!