crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markay qoysku dib u midoobaan | HimiloNetwork

Markay qoysku dib u midoobaan

Beijing (Himilonews) – Hooyo iyo labadeeda gabdhood oo weynaaday ayaa isla ilmeeyay markii ay nolosha ku midoobeen 28 sanadood kadib markii ay kala irdhoobeen.
Nasiib-darro, gabdhuhu ma awoodin inay arkaan aabahood maadaama uu mar hore geeriyooday.
Hooyada oo 72s sano jirta laguna magacaabo Chen Jiaxiang ayaa isku nabtay gabdhaheeda markii ay habeysay iyada oo sheegtay inaysan abid ku riyoon inay dib nolosha kula kulmi doonto gabdhaheeda.
Gabadheeda weyn oo jirta 47 sano laguna magacaabo Ruixiu Huang ayaa sheegtay in iyada iyo walaasheed, oo 42-jir ah, laguna magacaabo Ruixiang Huang uu af-duubtay ina adeerkood sanadkii 1988-kii.
Ina adeerka ayaa kadibna kala fogeeyey gabdhaha wuxuuna ka kala iibsaday qoysas ku kala nool magaalooyinka Shiinaha.
Gabdhaha ayaa loo bixiyay magacyo kale. Ruixiu Huang waxaa loo bixiyay Li Fengyi iyada oo walaasheed Ruixiang Huang loo bixiyay Huang Shunxiang.
Ruixiu ayaa baadi-goobtay hooyadeed iyo walaasheed ugu danbeyntiina way ku guuleysatay iyada oo kaashaneysa waaxda amniga dadweynaha iyo samafalayaal katirsan mareegta kooxda la dagaalanta dad-ka-ganacsiga.
Saddaxdooda ayaa midoobay kadib markii ay mareen tijaabada DNA-ga oo heybtooda isku keentay.
Booliska ayaa hadda baaritaan ku wada ina adeerka gabdhahan ee falkan ku kala fogeeyey qoyska si uu lacag uga helo.
Falkan ayaa ahayn mid ku cusub Shiinaha. Waana mid kamid ah dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ku saabsan dadka la waayo kadibna la helo iyaga oo meel kale loo iib geeyey.
Shiinaha waa mid kamid ah 10-ka dal ee ugu badan dad-ka-ganacsiga halkaas oo dhibanayaasha ugu badan ee ku waxyeelooba ay yihiin carruurta iyo haweenka. Badi dadka lasoo shirqoolo ayaa looga ganacsadaa siyaalo badan sida in kilyaha iyo xubnaha muhiimka ah ee jirka lagala baxo, galmo sharci-darro ah loo isticmaalo ama ay xoojiyaan warshadaha.
Dowladda Shiinaha ayaa dadaal adag ku bixisa la tacaalista kiisaska dad-ka-ganacsiga oo si weyn ugu baahay guud ahaan dhulweynaha Shiinaha.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Hiraal
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!