crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax ka badan samafal iyo insaannimo | HimiloNetwork

Wax ka badan samafal iyo insaannimo

Delhi (Himilonews) – Ajay Munot, oo ah ganacsade maal-qabeen ah oo ku nool Maharashtra, India ayaa dhawaantan guryo u dhisay qoysas sabool ah halkii uu xaflad iyo damaashaad ugu sameyn lahaa arooska gabadhiisa.
Munot ayaa qorsheynayay inuu ku bixiyo arooska inantiisa adduun lacageed dhan Rs 70-80 lakh ($115,000), hayeeshe markii uu la tashtay siyaasiyiinta gobalka, wuxuu go’aansaday inay jirto waddo fiican uu ku bixin karo qoondada uu ugu tala-galay arooska gabadhiisa.
“Ku bixinta hal-maalin adduun lacageedkaas oo ay kamid tahay in dadka lacagta leh aan xaflad ugu sameeyo hoteello qaali ah waxaan u arkay wax aan muhiim ahayn,” ayaa laga soo xitay Munot isaga oo sheegaya. “Hayeeshe waxaan heli karaa inaan caawimaad dhab ah u sameeyo saboolka ku nool Maharashtra oo deeqdani wax-tar u noqon karta sanado badan.”
Waana taas markii uu la xiriiray kooxda dhismaha isaga oo ku simaya qoondada lacagta dhan 115,000$ si ay ugu dhisaan ku dhawaad 108 guri dadka saboolka ah. Hayeeshe maalinta xafladda arooska gabadhiisa, waxaa kaliya dhameystir noqotay 90 guri.
Caruuska iyo caruusadda oo soo xaadiray madasha xariga looga jaray guryahan cusub ayaa dadka saboolka ah ee loo asteeyey inay helaan deeqda, waxay guddoonsiiyeen furayaasha aqalladooda.
Hayeeshe dadka helay deeqda guryahan kuma imaan waddo fudud. Marka loo eego Munot, qofku waa inuu ugu horreyn ku nool yahay meel buushash ah: oo uusan sidoo kale lahayn caadooyinka ah qamaarka iyo cabista khamrada.
Kuwo kusoo baxay natiijada kama danbeysta ah kaliya lama guddoonsiin guryo dhisan ee waxaa sidoo kale loogu daray koronto iyo biyo nadiif ah.
Guryaha ayaa leh baaxad ku filan, laba dariishad iyo labo albaab. Waxaa la mariyay rinji casaan iyo caddaan ah oo u taagan astaan hufnaan iyo qurux leh.
Ajay-Munot-houses2-600x336
Ajay Munot wuxuu warbaahinta u sheegay in maal-qabeennadu raacaan jidkiisa oo kale oo ay ku lumin adduunkooda kaliya inay hal maalin ku masruufaan arooska gabdhahooda.
“Tani waa taariikh cusub: waxaana filayaa in maal-qabeenka ku jira bulshadeenna ay sidaas oo kale sameeyaan,” ayuu yiri Munot. “Waxay mas’uuliyad naga saaran tahay mujtamaceenna; waana inaynu si lagu faano uga soo baxnaa gudashadeeda.”
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!