crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Yaab: Bangi la yiraahdo Grade Bank oo laga furay Shiinaha! | HimiloNetwork

Yaab: Bangi la yiraahdo Grade Bank oo laga furay Shiinaha!

Beijing (Himilonews) – Haddii aad maqli jirteen bangi bixiya amaah lacageed; dul-saar iyo dul-saar la’aanba, bangi ku yaalla Shiinaha ayaa bixinaya buundooyin amaah ah – dadaal lagu doonayo in lagu yareeyo cadaadiska ay ardayda Shiineeska ahi kala kulmaan diyaarinta imtixaannada dugsiyadooda.
Fikirkan waxaa bilaabay iskuul lagu magacaabo Nanjing. Wuxuu ardayda ugu deeqaa buundooyinka ka dhiman celceliska natiijada laga rabo inuu ku baaso. Waxayna dib isaga oo celin karaan amaahda iyaga oo maraya leyli iyo tijaabooyin kala duwan sida baarista sheybaarka iyo ka-hadalka goob fagaare ah ama jeedinta qudbad.
Bangigu wuxuu awoodaa siinta arday kasta amaah buundadeedka uu kaga baxsan karo inuu ku dhaco imtixaanka. Balse sida bangiyada kale, wuxuu u baahan yahay macmiil dib u bixiya amaahda muddo go’an kadib.
Si ay ardaydu u celiyaan amaahda lagu leeyahay, waxaa ku qasab ah inay natiijo fiican ka keensadaan imtixaannada xiga si looga jaro deynta lagu leeyahay – ayna u helaan fursad kale oo amaah lagu siiyo mustaqbalka.
Ardayda ku dhacda inay iska soo magaan amaahda ay bangiga ka qaataan waxaa lagu daraa liiska madow.  Mana helaan fursad kale oo ay ku qaataan amaahda bangiga.
Xigasho: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!