Marka uu Jiirku wax xado

Beijing (Himilonews) – Milkiilaha baqaar ku yaalla Shiinaha kaas oo Jiir ku qabtay isaga oo bariis ka xadaya ayaa xirxiray kadibna ku bahilay dadweynaha hortooda – taas waa sida loo qoray war ay baahisay warbaahinta gudaha ah ee Shiinaha, marka loo eego sawirrada oo lasoo geliyay baraha bulshada.
Falkan ayaa ka dhacay Heyuan kadib markii ninkani uu arkay Jiirka oo cunaya bariis uu kasoo xaday baqaarkiisa kaas oo uu iib ugu tala-galay.
Milkiilaha oo lagu magacaabo  Lai Tiancai ayaa xarig uga xirxiray lugaha iyo gacmaha – isaga oo qoorta u galiyay boor ay ku qorneyd: “Waxaan balan-qaadayaa inaan tan oo kale sameyn doonin.”
Sawirrada Jiirka xirxiran ayaa kadib lasoo dhigay baraha bulshada halkaas oo si ballaaran ay ugu faaftay.
Qeyb kamid ah saraakiisha booliska oo helay sawirrada ayaan isku dayin inay tallaab ka qaadaan ninkan Jiirka u dhigay casharka cusub.
Badi dadka arkay sawirrada ayaa faallooyin kala duwan ka bixinayay sida loo galay Jiirkan.
Dadka qaar ayaa sheegay in Jiirku u qalmay in sidaas loo xirxiro halka kuwa kalana ay tilmaameen in milkiilaha loo qabto ku xad-gudubka xuquuqda noolaha.
Jiirka ama Doolliga ayaa meelo qaar oo dunida kamid ah wuxuu kamid yahay cunnooyinka la cuno. Halka dunida kale siiba dalka Hinduuga u badan ee Hindiya qaarkeed ay u arkaan noole barakaysan oo aan dilkiisa lagu degdegin.
Isha: radiohimilo.
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!