Cunug afar lugood iyo laba xubno taran leh oo ku dhashay Hindiya
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 28, 2017
467 Views
Delhi (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay wiil leh afar lugood iyo laba xubno taran ah, marka loo eego dhaqaatiirta isbitaalka.
Dr. Virupaksha T oo kamid ah dhaqaatiirta Dhadeasugure Primary Health Centre (PHC), ayaa sheegay inuu joogay markii haweeneyda 23-jirta ah ay dhashay dhallaan wiil ah oo leh afar lugood iyo laba xubno taran ah.
Cunugan oo aan wali magac loo bixin waxaa iska dhalay lamaanaha kala ah Lalitamma iyo Chennabasava, oo 26-jir ah – waana cunuggoodii labaad.
Koodii ugu horreeyey oo ah wiil 3 jir ah wuxuu ku dhashay qaab caadi ah.
Dhaqaatiirta ayaa hadaba kula taliyay haweeneydan inay aado machadka Vijayanagara Institute of Medical Sciences (VIMS) oo ay joogaan qalin-yaqaanno awoodi kara inay ka reebaan xubnaha dheeriga ku ah qaab-jireedkiisa.
Markii hore, haweeneydani way iska diiday talada dhaqaatiirta – iyada oo sheegtay inay hadiyadda la yaabka leh ee Alle ku deeqay ku korsaneyso sidiisa, hayeeshe waxyar kadib waxay badashay maskaxdeeda.
Lalitamma ayaa caddaysay rajadeeda ah in maalin un inankeeda uu kusoo noqon doono si caadi ah.
Isha: radiohimilo.so
Related
2017-01-28
You must log in to post a comment.