crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jidadka Muqdisho: Dhisanaye, maan dhowraarsanno?!` | HimiloNetwork

Jidadka Muqdisho: Dhisanaye, maan dhowraarsanno?!`

Muqdisho (Himilonews) – Indhaha qofka manta jooga Muqdisho – u eegis la’aan da’diisa, wuxuu ka marqaati kici karaa kala duwanaanshaha muuqda ee laga dheehan karo muuqaalkeeda marka ay ku socdaalaan jidadka faras-magaale ee Xamar. Waana hadda oo kaliya. Taniyo sanadihii dhawaa, siiba markii Turkigu soo caga-dhigtay dalka, dhismaha waddooyinku waxay ahayd muhiimad gaar ah oo qeyb ka noqotay mashruuca dib u dhiska dalka.  Taariikhda sheeko ee buburka gaaray laamiyadii quruxda badnaa ee caasimadda iyo guud ahaan dalka waxaa dib loogu celiyaa dhicista dowladii dhexe 26 sano kahor.
Markii ay dhacaysay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad, hadimada ugu weyn ee gaaray shacabka waxaa ugu waaweynaa burburka ku yimid adeegga danta guud siiba waddooyinka dalka gaar ahaan Muqdisho. Lumista muuqaal quruxsanaanteedu, wallow ay ahayd qodob muhiimad weyn ugu fadhiyay bulshada, hadana ma ahayn waxa ugu weyn ee laga warwaro. Jiraalka dhibaatooyin lama filaan iskaga qarxi jiray oo ay colaaduhu abuureen iyo abaaro qasab ka dhigayay in hadba meeshii lagu naqsan karo loo hayaamo ayaa dabcan hagaagsanaanta jidadka ka yeeshay lama huraan waayidooda lala kulmi karay shilal ilaa geeri ku siman.
In-kasta oo aan la ogeyn sida jidadka guud ahaan bariga iyo koofurta dalka iyo magaalo-madaxda Muqdishaba ay u noqdeen, hadana jiritaan la’aanta kaalinta dowlad si joogto ah u daryeel iyo dayac-tirta, badi laamiyada dalka waxay la sinmeen dhulka. Waxa kaliya ee qaarkood laga arki karo waa jajabka raadadkii hore. Taasi waa ilaa hadda sababta – marka qofku safar boqol km ku dhawaad uu galo – in halka, waagii hore Buulaburde uu u socon jiray wax ka yar 7 saacadood, maanta uu u socdo 24 saacadadood wax ka badan.
Marka aan usoo laabano laamiyada waaweyn ee  magaalada Muqdisho, ilxumada ugu weyn ee laga qaato fiiradooda wax-yar kadib dhicistii Siyaad Barre  waa inay la’aayeen dayac-tir iyo naashnaash. Markii ay isku biirsadeen roobab mahiigaan iyo xaalado kale oo bulsho oo aan lagaga hortagin daryeel iyo dayac-tir, jidadka waxaa gaaray daqaro muuqda. Taas oo laga arki karay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Marista ay baabuurtu ilaa hadda xaafadaha qaar iyaga oo jajabka iyo lamaiyada boholaha noqday ka weecanaya maraan, waa tusaale wali muuqda oo laga aqrisan karo sida jidadku muddo ugu soo qaateen dayacnaan iyo daryeel xumo.
Si kastaba, ku dhawaad shan sano kahor, jidadka qaar ee Muqdisho waxaa u dhashay ayaan cusub. Turkiga ayaa xilligii xukuumadda Shariif Shiikh Axmed waxay bilaabeen dib u dhiska iyo dayac-tirka laamiyada Muqdisho.  Saameynta ay dhismahaasu ku yeesheen isku socodka iyo bilicda caasimadda waa caad-yaal. Doorka uu Turkigu ku bilaabay dhismaha jidadka kaliya sooma nooleyn bilicda ee waxay sidoo kale baraarujisay qalbiga iyo niyadda ganacsatada, bahda waxbarshada iyo dowladda dhexe kuwaas oo iska kaashaday inay dhistaan waddooyinka magaalada. Wadada dheer ee Howl-wadaag iyo jidka dheer ee gala is-goyska Dan-wadaagta waa tusaalayaasha muuqda ee tilmaamay sida dalkani u leeyahay deeq, da’yar iyo damiir ku filan horumarintiisa.
Fududeynta socdaalka –waloow ay tahay kaalinta ugu weyn ee laga helay dib u dhiska waddooyinka, hadana ma ahan faa’iidada kale. Qofku wuxuu awoodaa inuu si raaxo leh u kala furto buuggiisa inta yar ee uu socdaalka ku jiro isaga oo aan wax dheeldheeli ah dareemin. Halka haweenka uurka iyo waayeellada ay si gaar ah uga nasteen jugjugta iyo salbeynta gaarigii ku socon jiray wado raf ah. Tani waxay ugu yaraan muujinaysaa sida dhisidda laamiyadu ay shacabku kaga mahad-naqeen inay si raaxo leh ugu safraan danahooda.
Balse wali jiritaan la’aanta daryeel sugan oo lala joogo laamiyada curdinka ah ee magaalada,waa caqabad weyn oo ku foolan sida dib loogu hubsan karo bilicda iyo quruxda Muqdisho in la hantiyo. Majirtaan shaqaale joogto ah oo ka howgala qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada taas oo xagal-daacinaysa bad-qabkooda. Mana jirto shucuur wadaniyadeed oo shacabku ka muujiyaan daryeelkooda.
Waxa ugu weyn ee malaayiin dadku qabaan inay macno sameyn karaan waa helidda kormeer joogto ah oo lagu sameeyo badqabka iyo hufnaanta laamiyada. In la sameeyo shaqaale maalinle ah oo habeen kasta kahor intaan la gaarin waaberiga, isku howla nadiifinta iyo qaadista qashinka iyo ciidda kusoo daadata waxa ugu weyn ee ay yareyn kartaa waa inaysan dib u burburin. Halka bilicda magaaladana ay kaalin lagama maarmaan ah u yihiin hagaajintooda.
Murugada kaliya ee heysata laamiyadeenna waa inaysan helin wax u dhigma sida joogtada ah ee loo isticmaalo. Halka laga yaabo inay adag tahay in sidii hore biyo lagu nadiifiyo had iyo jeer, ma adka in ugu yaraan ciidda kor tuban looga xaaqo si maalinle ah. Inaan waxba laga qaban caqabadaha ku foolan bad-qabkooda, xaqiiqdii waxay dib noogu celinaysaa maalmihii hore ee laga nastay.
Mustaqbalka ah inta ay laamiyada la dhisay iyo kuwa la dhisayaba ay sii ahaan karaan ayaa ku harsan hubaal la’aan. Waxa ku dhici kara laftigooda ayaa ah sheeko aan mudneyn in mar kale la dhadhamiyo. Balse markii ugu horreysay taariikhda, quruxda,hagaagsanaanta iyo bilicda laamiyadeenna waa waajib kaliya aan dusha ka saarmeyn shaqaalaha dowladda hoose – hayeeshe, noqonaysa mas’uuliyad ka wada dhaxaysa bulshada guud ahaan.
Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Muxumed.
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!