crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka leh Gar Shinni | HimiloNetwork

Ninka leh Gar Shinni

Muqdisho (Himilonews) – Nin ku nool dalka Masar kaas oo si joogto garkiisa ay iskugu soo ururaan boqollaal Shinni ah ayaa sheegay inuu doonayo bilaabists wacyi-gelin ah in Shinnidu aysan halis ahayn.
31-jirka lagu magacaabo Mohamed Hagras  oo kasoo jeeda gobalka Menoufia, ahna injineer, ayaa go’aansaday inuu noqdo ilaaliye Shinni kadib markii uu dhiiri-gelin ka helay muuqaal haweeeney si geesinimo jidka ku maraysay iyada oo Shinni ku raran yihiin qeyb kamid ah oogadeeda.
Hagras wuxuu sheegay in dad badan ay yimaadaan beertiisa oo ay Shinnidu qaniinto si looga daweeyo cudurro dhowr ah. Shinnida ayaa ugu badnaan laga helaa Malab iyo siyaalo kale oo la iskugu daweeyo.
Si uu garkiisa isugu soo ururiyo, Hagras wuxuu boqorta Shinnida ugu horreyn saartaa garka kadibna waxaa isugu soo urura kuwo kale, marka uu qabanayo ban-dhig Shiniyeedka.
Dad badan oo laga yaabo inay arkeen ama aragtidiisa mid lamid ah xanbaarsan ayaa qaar rikoor cusub kaga gala buugga layaabka dunida ee World Genius Record.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!