MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Norwich, Norfolk, England wuxuu si habsami leh u baahinaya adeeg samafal oo lagu caawinayo kuwa ayaanka liita ee darbi-jiifta ah.
Si taas u suura-gashana, Koox samafal oo la yiraahdo East Anglian Bangladesh oo kaashanaysa St Martins Housing Trust ayaa toddobaadle cunnooyin ugu qeybinaysa dadka hoy la’aanta ah.
Cunnooyinka oo isugu jira digaag, qudaar iyo kuwo fudud waxaa wadaajinaya geyfanayaasha xoogsatada si ay ula gaaraan dadka ku dhiban Norwich.
Jalal Uddin oo ah madaxa mashruucan ayaa aaminsan in tallaabadani ay waajib ku tahay Muslim walba.
Falkooda abaalgudka ahi waxaa bogaadiyay Dr. Jan Sheldon oo ah howlfuliyaha St Martins Housing Trust.
“Waxaan nasiib laga mahdiyo inoo ah inaan awoodi karno caawinta dadkeenna ku ayaanka liita gidaaradda iyo waddooyinka Norwich,” ayuu yiri.
“Inay helaan dhuuni ay nafta ku ceshadaan waxay ina siinaysaa kalsooni dheeraad ah iyo yididiilo sugan oo aan kusii xoojin karno wax-qabadkeenna.”

You must log in to post a comment.