crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qashinka Tuban Suuqa Cilmiga iyo Cibaadada ee Xareed. | HimiloNetwork

Qashinka Tuban Suuqa Cilmiga iyo Cibaadada ee Xareed.

MUQDISHO (HN) — Waa maalin shaqo. In badan sida Yalax Printing waxaa nasiib weyn u ah inay ku shaqeeyaan xaaladda adag ee halkan ka jirta. Balse waxay xumaato u dareemayaan nasiib-darrada heysata inta kale.

“Waxaan aad ujeedid oo dukaamo ah waxay u xiran yihiin dhiiqada iyo wasaqda tuban laamiga,” ayuu yiri Daljir isaga oo farta ku fiiqaya tiro baqaarro iyo dukaamo ah oo laamiga kaabiga ku haya kuwaas oo in badan aanay shaqo ka jirin.

Xareed oo ah suuqa gaancsiga cilmiga iyo cibaadada, wuxuu ku yaallaa degmada Howl-wadaag. Waxaana uu tusaale nool u yahay sida caasimadda Muqdisho ay uga mid tahay magaalooyinka ugu wasaqda badan caalamka.

Kusoo jeedka Yalax, waxaa isna kutubada diiniga iyo kuwo maadiga ah ku iibiya Axmed Abdi Ali oo si weyn u fahamsan xaaladaha adag ee qashinka tuban halkan uu ku keenay iyaga iyo macmiishooda.

“Marwalba oo roobku waa sidaan,” ayuu yiri. “Araggana uma fiicna, urtoodana waxaa ka dhasha xanuuno ay dhilmaanyadu kow ka tahay.”

Mowduuca la xiriira dhiiqada iyo qashinka yaalla halkan ma ahan ugub. Shantii sanno ee lasoo dhaafay waxaan ka qornay dhowr warbixino. Caqabada heysta ganacsatada Xareed inta biyuhu fadhiyaan halkan kuma eka maalmo iyo isbuucyo.

“Waxay dhiiqada iyo xareeddu sii fadhidaa halkan ku dhawaad 12-ka bilood ee sannad walba,” ayuu yiri Axmed isaga oo kaashanaya waaya’aragnimadiisa joogitaan ee halkan oo ku siman laba sanno.

Daljir Abdullahi Noor waa madaxa suuq-geynta Shirkadda Yalax. Wuxuu sheegay in muhiimaddii ay lahayd isticmaalka waddadan halbowlaha u ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha si weyn loo bahdilay.

“Cidiba isma weydiiso siday u taal iyo sida la gudboon oo lagu hagaajin karo. Waxay u eg tahay is-muujis mararka qaar in loogu yimaado si qashinka looga qaado. Waase kolka ay biyuhu ka engegaan.”

Dhibta ay ku heyso dhiiqada iyo wasaqda tuban Xareed waxaa usii dheer fal-celin dowli oo ka timaada maamulka gobalka iyo kan degmada. Mana oga haddii ay kusii shaqeyn doonaan uskagga iyo wasaqda iyo in kale.

Hayeeshe, dhammaantood waxay la nool yihiin yididiilo. Farriintooduna way caddahay.

“Fiicnaan lahaydaa in heer gobal, ku degmo iyo mid ganacsataba la iska kaashado si bilicda iyo nadaafadda Xareed wadajir loogu howlgalo,” ayuu yiri Daljir.

Intase laga helayo maamul jawaabtii loo baahnaa ka bixiya dhibtaada ka taagan Xareed, halkan kaliya tilmaan uma noqon doonto bu’da cilmiga iyo aqoonta, balse sidoo kale gosha dhiiqada iyo uskagga.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!