crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Gabadhii Dilaaga Aabaheed ka dhigatay Soddogeeda. | HimiloNetwork

Sheekada Gabadhii Dilaaga Aabaheed ka dhigatay Soddogeeda.

KIGALI (HN) — Kahor inta uusan dhicin Xasuuqa, Vicent Sibomana ‘Hutu’ iyo Joyce Uwimana ‘Tutsi’ waxay ahaayeen lammaane jaceyl wadaag ah. Markii uu bilowday Xasuuqa, lammaanaha jiiraanka ahi, waalidkii dhalay waxay qeyb ka noqdeen mashaqadii dhacday. Vincent aabihiis oo ahaa Hutu wuxuu dilay Joyce aabaheed oo ahaa Tutsi. Halkaas waxaa ku idlaaday xiriirkii derisnimo iyo midkii jaceyl oo lammaanaha ay si gaar ah u wada waraabin jireen. In yar kaddib, laakiin, markii uu joogsaday Xasuuqa, Vincent wuxuu haddana ogaaday inuu wali doonayo inuu soo celiyo xiriirkii jaceyl ee Joyce kala dhaxeeyey.

Maadama aabihiis uu dilay aabaheed, waxaa ku adkeyd sidii uu kaga dhaadhicin lahaa, Joyce waxaa iyadana ku adkeyd inay rumeysato inuu dib ugu soo laaban doono Vincent iyo jaceylkiisa. Mana laheyn rabitaan xaggiisa in badan marba haddii aabihii uu ka dilay aabaheed.

Balse kolkii la bilaabay ol’olihii wacyi-gelinta iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la is horkeeno ehellada dadkii la laayay iyo kuwii ay wax gumaaday, Vincent wuxuu ka dhex arkay fursad. Wuxuuna si firfircooni leh qeyb uga qaatay ol’ole ay hormuud ka yihiin dhalinyarada sidiisa oo kale waalidkooda ay dhinac kaga jireen xasuuqa, oo la yiraahdo Hope and Peace Foundation.

Blaise Mpogazi oo la dhashay Joyce waxay Vincent iskala tirsanaayeen Naadigan, markii si kastaba uu naftiisa u qayaxay ehellada dadkii uu aabihii gumaaday, wa markii uusan kaliya ku kasban qalbigooda balse uu kusoo jiitay midka gabadhii uu jeclaa.

Halgankiisu wuxuu ugu danbeyntii u dhammaaday siduu uu ku taami jiray. Wuxuu guursaday gabadhii ay is-jeclaayeen yaraantiisa. Wuxuuna taasi ku micneyn karaa waaya’aragnimo aan sahleyn.

Iyada oo ka hadlaysa qisadeeda, Joyce waxay sheegtay inay ku adkeyd markii hore inay la qaadato go’aanka uu ula yimid. Balse markii ay dhab ahaan u dareentay sida fog oo uu u daneynayo in xiriirkooda uu kusoo laabto sidii hore, way ku raacday.

Hayeeshe, taasi kaliya ma ahan sababtii ay kusoo celisay jaceylkii lumay ee labadooda ka dhaxeyn jiray. Dilaagii aabaheed, Vincent aabihiis, oo hadda ah soddogeeda ayaa u yimid si uu uga dalbado cafis. Waana markii ay ugu danbeyntii qaadatay go’aan wax ka beddelay nolosheeda inta ka dhiman. Xilligaas la wareysanayay, waxaa u joogay hal cunug.

Mustaqbalka waxay soo saari doonaan carruur aan kala aheyn Hutu iyo Tutsi, balse ah muwaadiniin Rwandan ah. Haddii labadooda waalid ay isku dileen kala-duwanaansho, iyagu waxay kala duwanaanshahooda u adeegsan doonaan isku duubni iyo horumar. Go’aankii ay Joyce maanta nafteeda u qaadatay, laga yaabee in lagu koobo shaqsiyadeeda mid ku gooni ah. Waxaase xaqiiqa, in kolka ay koraan ubadkeeda la ogaan doono doorkii ay ku laheyd horumarkii dalkeedu gaaray.

Runtii sheekada lammaanahan – siiba Joyce – waa kuwii ugu saameynta badnaa noloshayda inta aan usoo joogay aqrinta qisooyinka cafiska iyo xiriirka lammaanaha ku saabsan.

Qisadan waxay ku jirtaa Buugga Madaxdii la Mahdiyay oo uu qoray Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!