crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 24

Dunida Muslimka

Maqalka Takbiirta ayuu kaga caafimaaday xanuun hayay Dhaqtarkan.

MUQDISHO (HN) — Dhakhtar Japanese ah oo la yiraahdo Dr. Shutaro Takai kuna taqasusay daaweynta kala-goysyada iyo seedaha ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii uu  maqlay Allahu Akber. Dhakhtarkan oo ka soo jeeda  magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa ku taqasusay murqaha iyo kala goysyada iyada oo loo marayo farsamadiisii hore ee daaweynta Japan. Dr. Shutaro wuxuu hadda ku nool ...

Read More »

Muslimad jidka ka heshay Wiil Darbi-jiif ah oo kafaala-qaadaysa noloshiisa.

MUQDISHO (HN) — Daryeelka carruurta dibjirka ah aad bay diintu u bogaadisay, kumana sii jirto haddii ilmahaasu ay yihiin agoon aan rixam kaalmeeya u joogin in la kafaalo qaado. Si kastaba, Ramadaankii dhammaaday, haweeney Muslimad Nigerian ah ayaa ficilkeedu taabtay qalbiyada malaayiin dad ah kaddib markii wiil 12 jir ah oo ay ka heshay jidka ay go’aansatay inay noloshiisa bedesho ...

Read More »

Sawiro cusub oo laga helay Dhagaxa Kacbada.

MUQDISHO (HN) — Sawiro aan horay looga heyn Dhagaxa Kacbada ayaa dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Barakaysan ee Makka. “Waa door iyo abyan waayo horay uma aynan arag,” ayuu yiri Afifi al-Akiti, oo arday Daraasadda Islaamka ka dhigta Jaamacadda Oxford isaga oo la hadlayay CNN. Dhagaxa madow oo sidoo kale loo yaqaan Xajarul-aswad waxaa dhadhaab laga keenay Jannada; mana ahan ...

Read More »

Ciidda oo la filayo inay dhalato Khamiis 13 May.

MUQDISHO (HN) — Ciidda Fitriga waxaa la filayaa inay dhalato 13 May maalin Khamiis ah, marka loo eego Golaha Fatwada iyo Cilmi-baarista ee Yurub iyada oo ka tusma-qaadanaysa tirsiga bilaha Hijriyadda. “Bisha Shawal ama Soonfur waxay dhalanaysa dhammaadka maalinta Talaadada ah laakiin waxa wax adag noqoneysa in indhaha lagu arko dhalashadeeda. Sidaas darteed, waxay noqon doontaa ilaa Khamiista mid laga ...

Read More »

Cafis loo fidiyay Nin Gidaar Masjid ku qoray ereyo nac-Islaam ku dhisan.

MUQDISHO (HN) — Xubno katirsan Xarunta Islaamiga ah ee Moorhead, Minnesota, ayaa sheegay inay cafis u fidiyeen nin loo heystay ereyo naceyb ah inuu ku qoray gidaarka masjidka – iyaga oo isla markaana isaga iyo qoyskiisa ku mari-qaaday hal maalin inay kula afuraan dhexdiisa. “Waa bisha Ramadan; wax-cafintuna waa farriin aan u dirayno dunida inteeda kale,” ayuu yiri  Sajid Ghauri, ...

Read More »

10-jirka isaga oo sooman Jikada ugu jira Dadka baahan!

MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadaan waa bil wax-bixin iyo samafalka sal-dhig u ah, Muslimiin badanna waxay ku dadaalaan inay deeq iyo dadaal badan ku bixiyaan si ay ajar badan uga tacbadaan. Sheekada wiil 10-jir ah isaga oo sooman cunnada u kariya dadka saboolka ah inta lagu jiro bisha Ramadan si lacag ugu ururiyo hey’adda taakuleysa Danyarta UK. “Waxaa jira dad ...

Read More »

Sarkaalkii lasoo soomay Saaxiibkiisa Muslimka ah!

MUQDISHO (HN) — Si uu la-jir ahaansho iyo wadajirba ugu muujiyo, sarkaal boolis ah oo aan Muslim ahayn ayaa soomaya 30 maalmood oo dhan inta lagu jiro bisha Ramadan. Sergeant Kevin Gammond, oo 38 jir ah, waxaa ku adkaatay inuu keligiis iska cuno cuntada isaga oo saaxiibkiis Kassim Hanif, oo 34 jir ah, uu ku dhinac sooman yahay.   “Maalmihii ...

Read More »

Laacibka Kiriket-ka South Afrika oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Cayaaryahanka kiriket-ka Koofur Afrika,  Bjorn Fortuin ayaa bartiisa instagram-ka soo dhigay in isaga iyo xaaskiisa ay qaateen diinta Islaamka inta lagu jiro bisha Ramadaan. “Xalay waxaa shahaadada loo qabtay Bjorn waxaana uu doortay in loo bixiyo Imaad ayaa lagu hoos qoray sawir bartiisa lagu share-gareeyey. Lammaanaha ayaa aqal galay 25 April kaddibna waxay qaateen diinta Islaamka. Asxaabtiisa iyo ...

Read More »

Soon iyo Samafal: Muslimiinta Blackburn oo Nadaafadda ka shaqeynaya.

MUQDISHO (HN) — Nadaafadda iyo bilic-ilaalinta wuxuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa. Si ay u ilaaliyaan heerka fayadhowrka iyo degaan bilicsanaanta, Muslimiinta Blackburn ayaa iskaga yimid inay ol’ole nadaafadeed ka sameeyaan hareeraha masjidkooda – iyaga oo soo ururiyay 250 baag oo qashin ah – nadiifiyayna in ku dhow 100 laami iyaga oo waliba sooman. Baaqoodii ah in la iskugu yimaado ol’olahan ...

Read More »

Muslimiinta Edmonton oo bogaadiyay yeermada Aadaanka Codbaahiyaha.

MUQDISHO (HN) — Ka Moona Khan ahaan oo ku nool Edmonton dhawaqa aadanka uga yimid codbaahiyaha masjidka waxay ku reebtay farxad aan dhammaaneyn. “Waxaan ku dareemay lahaansho iyo inan qeyb kamid ah bulshada ahay – in dhaqankaada iyo caqiidadaada ugu dambeyntii la aqbalay,” Khan ayaa u sheegtay The Canadian. Aadanka ayaa sababo cabasho awgeed looga mamnuucay Edmonton, si kastaba, sannadkii ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!