crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqalka Takbiirta ayuu kaga caafimaaday xanuun hayay Dhaqtarkan. | HimiloNetwork

Maqalka Takbiirta ayuu kaga caafimaaday xanuun hayay Dhaqtarkan.

MUQDISHO (HN) — Dhakhtar Japanese ah oo la yiraahdo Dr. Shutaro Takai kuna taqasusay daaweynta kala-goysyada iyo seedaha ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii uu  maqlay Allahu Akber.

Dhakhtarkan oo ka soo jeeda  magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa ku taqasusay murqaha iyo kala goysyada iyada oo loo marayo farsamadiisii hore ee daaweynta Japan. Dr. Shutaro wuxuu hadda ku nool yahay magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Mar uu la hadlayey warbaahinta maxaliga ah, Dr. Shutaro wuxuu sheegay inuu garabka ka hayo xanuun aan loo adkaysan karin. Saaxiibkiis Bakistaaniga ah, Maqsood, wuxuu uga sheekeeyay Syed Babar Bukhaari, oo ah saaxiibka Maqsuud, inuu ku bogsaday xuska ama ku dhawaaqidda kalmadda Alle hu Akber.

Dhakhtarka Jabaneyska ah ayaa telefoon kula hadlay Babar Bukhaari, oo ka codsaday inuu dhaho Allahu Akber shan daqiiqo. Kadib dhammaystirka hawsha, xanuunkii hayay wuu ka suulay.

Sida uu sheegayo Dr. Shuntaro, oo hada la baxay Dr. Cali, telefoonka ka dib, wuxuu yimid Pakistan wuxuuna la kulmay Syed Babar Bukhaari, oo markii dambe u qabtay shahaadada tawxiidka.

Dr. Cali wuxuu ku magacaabay daaweyntan ‘qalab gaar ah’ wuxuuna ugu magac daray CS60. Qalabka wuxuu baaraa oksaydhiska ku jira jirka. Marka lagu xoqo muruqyada iyo xididdada, wuxuu furayaa xannibaadda qaybaha kala duwan ee jirka.

Laakiin Dr. Cali wuxuu la yaabay habka ruuxiga ah ee xanuunka loo daaweeyo. Waxa xusid mudan, Islaamku waa diinta ugu koritaanka badan Japan, iyo guud ahaan caalamka intiisa kale.

Qore: Maxamed Qadar Abdi.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!