crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga ee Ka-dhanka-ah Kalluumaysiga Sharci-darrada. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga ee Ka-dhanka-ah Kalluumaysiga Sharci-darrada.

MUQDISHO (HN) — Fadhigii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee dhacay bishii December sanadkii 2017-kii, ayaa lagu go’aamiyay in sanadka kasta shanta Bisha Juun la xusuusto mushkiladaha kalluumeysiga sharci-darrada ahi ka dhasha.

Waxaa maalintan looga faa’iideystaan in indhaha dowladaha Caalamka iyo ururada caalamiga ahba lagu jeediyo saameynta taban ee ka dhalata dhaqdhaqaaqaasi aanan ku fadhin sharciga ee wiiqaya mid ka mid ah yoolasha Qaramada Midoobay ee gaaridda nolol sareeda leh.

In ka badan seddax meelood meel ka mid ah oo ka dhigan 34% keydadka kalluun ee dunida waa la xaalufiyay, taasi oo a dhigan in la gaarsiisay heer aysan suurgal ahayn in dib loo helo, waxaase culeyskaasi sii biiray kaalinna ka qaaday kalluumeysiga sharci darrada ah.

Howshan sharci darrada ah waxey ka dhacdaa dacal waliba oo dunida ah waxaase saameynta taban ee ugu badan ku yeelataa dowlada ku yaala qeybta koofureed ee dunida, halkaaso maareynta Kallumeysiga sharci darradda xooganeyn.

Waxaa dowladahaasi ka mid ah kuwa ku yaala Galbeedka qaaradan Africa iyo kuwa dhaca galbeedka badda Baasifika oo lagu daray wadmada dhaca koofur galbeed badda Atlantika, halkaas oo uu ka dhaco kalluumeysiga sharci darrada ah ee ugu badan dunida.

Inkastoo aanan laga hayn xog sax ah, haddana waxey Khubaradu qiyaasaan in mid ka mid ah shantii bar ee kalluumeysi, malayga ku jira lasoo dabo hab sharci darra ah, taasi oo ka dhigan in 22% dhaqdhaqaaqa kalluumaysi ee caalamka uu ku dhaco sifo aanan waafaqsaneen sharciga.

Taasi waxey horseeddaa in sanad waliba adduun ka badan 26 bilyan oo doolar la waayo, faa’iidadaasi xad dhaafka oo ay helaan dowladaha iyo shirkadaha ku kaca falalkaasi marka dhanka kale laga eego waa mid ka mid ah waxyaabaha adkeeyay in laga adkaado kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ku dhigan xogta FAO.

Marka laga soo tago adduunkaasi lacageed ee ku luma, waxay dadka ku howlan shaqadaasi ay qaataan ukumaha iyo kalluunka dhaladka ah, taasi oo horseeday in tirda Malaayga dunidu is dhinto, Waxaa sidoo kale kumanaan ka mid ah noocyada kala duwan ee noolaha ku jira badda ay u dhintaan sanad waliba sabab la xiriirta mushkiladda ka dhalasha qalabaka ay ku jillaabtaan kooxahaasi.

Boliiska dunida ee Interpol, kalluumeysiga sharci darrada ah waxa uu ku biiray danbiyada halista ah, isaga oo qaanad la galiyay dhaqdhaqaaqayada kale sida safrinta iyo ka ganacsiga daroogada iyo lacag dhaqista.

Sida uu qabo Interpol, waxaa adkeyay xakameynta kalluumeysiga sharci darradda ah, maraakiibta iyo doomaha ku lugta leh oo ka diiwaan gashan dal mid kalena ka fuliya howshaasi, iyaga oo shaqaalahoodana kasoo shaqaaleysiiya wadan kale oo ka baxsan labadaasi dal.

Waxaa mararka qaar ay kooxdahaasi danbiilayaasha ahi safriyaan daroogada iyo hubka sharci darrada ah. Iskaashiga dowladaha caalamka ayaana la rumeysan yahay in looga adkaan karo.

Qore: Sacdiya Nuur Ciid.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!