crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga Bedqabka Cunnada | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga Bedqabka Cunnada

MUQDISHO (HN) — Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Cunnada. Sannadkii 2018-ka ayaa Kal-fadhiga Guud ee QM wuxuu 7 June u asteeyey inay tahay maalinta bedqabka cunnada. Kulanweynihii caafimaadka dunida ayaa sannadkii hore meelmariyay heshiis lagu xoojinayo laguna dhirrri-gelinayo dadaallada wax ku oolka ah ee lagu doonayo hubinta iyo tayada caafimaad ee cunnooyinka si qof walba oo aadmi ah oo dacal kaga nool dunida uu ugu raaxaysto cunnida raashiin loo damaanad-qaaday sugnaanshiyaha bedqabkiisa.

Balse xakameynta faafitaanka xanuunka Covid-19 iyo haddimooyin dabiici ah ayaa cuuryaaminay nolosha malaayiin ruux oo dunida miyiga ku nool, Marka loo eego QM, cunnooyinka aan bedqabka lahayn waxay sannad kasta dilaan ama u dhinta tiro dad ah oo lagu qiyaasay 420,000.

Carruurta waa nugulka ugu horreeya oo ku wax-yeelooba cunista raashiinka aan soo marin hubintii iyo diyaarintii loo baahnaa. Ilmaha ka yar shanta sano ayaa la ogaaday 40% inay sidaan xanuunno ka dhashay cunnada. Waxaana sannad kasta u dhinta tiro lagu sheegay 125,000.

Hal-ku-dhegga Maalinta Caalamiga ah ee bedqabka Cunnada waxaa loo qaatay cunno fayadhowrani waxay ka dhigan tahay filashada fiican ee berittada soo aadan.

Marka loo eego Hey’adda Caafimaadka Dunida WHO, halku-dhegga sannadkani wuxuu sees u dhigayaa fahamka ah in helidda wax-soo-saarka cunnooyin bedqaba ay faa’iido soke iyo mid shishe-ba u leedahay dadyowga caalamka, dunida iyo dhaqaalaha.

QM ayaa rumeysan in helidda dhuuni ku habboon cunnista uu fure u yahay nolol waarta iyo caafimaad sugan oo ay ku naaloodaan aadanaha.

Damaanad-qaad loo helo cunno sixa leh; waxaa ka dhalanaya caafimaad waara iyo kobaca nolosha aadanaha; waxayna xoojinaysa horumarka dhaqaalaha iyo ganacssiga.

Talooyinka wax-ku-oolka ah oo maanta oo kale ay tahay in la isku baraarujiyo waxaa ugu door roon in cunnooyinka ceyriinka ah iyo qudradda laga soo iibsado suuqyada loo dhaqo si joogto ah; karinta iyo diyaarinta cunnada waa in la siiyaa kaadsiinyo iyo waqti ku filan; waxaa kale oo lama huraan ah in cunnooyinka karsan lagu ilaaliyo heerkul ku filan kuna habboon. Waxaa xusid mudan in helidda iyo adeegsiga biyo nadiif ah ay lama huraan u tahay in loo adeegsado karinta raashiinka.

Jiritaanka iyo soo if baxa xanuunka dunida aafaynaya ee Covid-19 oo la rumeysan yahay in ciriqiisu kasoo jeedo suuq ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ina aadan ku qasbeysa inuu fiiro goonni ah u yeesho waxa ay dhuuni ahaan u cunaan. Shiinaha oo goor hore ku dhiirraday inay mamnuuco ka ganacsiga iyo cunista hilibka noolaha miciyaleyda ah iyo qaar kale xamaaratada kamid ah, haddana, dhaqanka iyo caadooyinka bulsho ahaaneed oo dadyowga dalkaasi ku xooggan ayaa hubaal la’aan ka dhigayga haddii dadaal midaysan looga hortagi karo soo saaridda iyo helidda cunno ku habboon dhuuniga.

Baaritaannada hordhaca ah oo hey’adda caafimaadka dunida ay kasoo saartay halkii uu kasoo bilowday faafitaanka xanuunka iyo wixii dhaliyay in kasta oo wali ay ku socdaan dabagal iyo hubin, haddana waxaa qeyb ahaan la fahamsan yahay in cunista noolaha aan cunno ahaan ku habbooneyn in dhuuni laga dhigto ay ugu wacan tahay qeyb ahaan. Astaamaha iyo virusyada ilma-aragtida ah ee laga helay noolayaasha qaar sida Kobolliga ama Fiidmeerta kuwaas oo 90% u dhigma kuwii laga helay anuunka Corona Virus ayaana xoojinaysa.

Waxaa la joogaa waqtigii uu bani-aadmigu isku taagi lahaa inuu si dadban iyo qumaati labadaba iskaga hubiyo waxa afkiisa galaya kuwaas oo haddii ay caloosha degaan ku keeni kara halis geeri ku siman.

Somaaliya marka la joogo hubinta heerka fayadhowrka raashiinka la cuno iyo kuwa lagu kariyo guryaha iyo maqaaxiyadaha malahan mudnaan sarreysa. Wax iska caadi ah ayay noqotay in toos wixii looga soo dhoofiyo waddamada shisheeye ay dalka u yimaadan iyaga oo aan soo marin hab-raacii hubineed ee lagu aqoonsan karay heerka tayadooda.

La-yaabna malahan in bulshada caadiga ahina ay dabka saartaan hadba wixii dhuuni noqon kara – iyaga oo ka duulaya oraahda dib-u-socodnimada leh ee dhahaysa: wixii aan ku cunin waa la cunaa.

Maqaaxiyadaha goobaha furan ku iibiya cunnooyinka ayaa xusid mudan inaysan daah iyo dabool leyrta iyo wasaqda looga dhowro raashiinka u lahayn. Wax laga cabsado waxaa ah in isla gacantii uu kaaga qaaday lacagta uu kugu siinayo raashiinka aad ka dalbatay.

Si kastaba waxaa la joogaa ammintii aynu si wadajir ah iskaga kaashan lahayn xakameynta dhaqamada la caadaystay ee halis gelinaya nolosha bulshada.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!