MUQDISHO (HN) — Xubno katirsan Xarunta Islaamiga ah ee Moorhead, Minnesota, ayaa sheegay inay cafis u fidiyeen nin loo heystay ereyo naceyb ah inuu ku qoray gidaarka masjidka – iyaga oo isla markaana isaga iyo qoyskiisa ku mari-qaaday hal maalin inay kula afuraan dhexdiisa.
“Waa bisha Ramadan; wax-cafintuna waa farriin aan u dirayno dunida inteeda kale,” ayuu yiri Sajid Ghauri, oo la-taliye u ah Xarunta. “Innaga oo middaas maanka ku hayna, waxaan rabnaa inaan u sheegno yarkaas da’yarta ah inaan gacan cafis ah u fidinay.”
Benjamin Stewart Enderle, oo 22 jir ah, waxaa loo xiray dambi ah inuu ku falaaday waxyeelana gaarsiisay hanti dad kale leeyihiin. Waxa uu darbiga masjidka ku xariiqay ereyo ay kamid ah – Ha-dhinto Islaamku – iyo haweenku cod maleh.
Jamaacada Masjidka ayaa durba ka howlgalay inay ka tiraan ereyadaas gidaarka, waxaana intaas kaddib ay isku af garteen inay cafiyaan dambiilahaas aqoon darridu u geysatay inuu falkaas ku kaco.
You must log in to post a comment.