MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadaan waa bil wax-bixin iyo samafalka sal-dhig u ah, Muslimiin badanna waxay ku dadaalaan inay deeq iyo dadaal badan ku bixiyaan si ay ajar badan uga tacbadaan.
Sheekada wiil 10-jir ah isaga oo sooman cunnada u kariya dadka saboolka ah inta lagu jiro bisha Ramadan si lacag ugu ururiyo hey’adda taakuleysa Danyarta UK.
“Waxaa jira dad badan oo nimcooyinka aynu heysanaa tu lamid ah aan helin,” ayuu yiri Zaavier Khan.
“Meheystaan cunno ku filan, hoy ay ku hoydaan ama lacag ay ku maareeyaan wixii ay u baahdaan, waxaan soomaya bishan aniga oo ku niyadsan inaan xaaladdooda adag wax un ka beddelo,” ayuu yiri.
“Waxaan ogaaday inay jiraan 8 milyan oo UK ku nool kuwaas oo cunno ku filan iyo hoy aanan heli karin, marka waxaan doonaya inan kaalin ka geysto,” ayuu sii raaciyay.
Khan wuxuu doonaya inuu ururiyo lacag dhan £5,000 ($6,940) si loogu kabo sanduuqa samafalka iyo gargaarka UK.
“Waa inanka kaliya ee Muslim British ah oo ka soomaya fasalkiisa wuxuuna muujinaya hal-adeyg iyo nafhurnimo,” ayay tiri hooyadiis.
You must log in to post a comment.