crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Soon iyo Samafal: Muslimiinta Blackburn oo Nadaafadda ka shaqeynaya. | HimiloNetwork

Soon iyo Samafal: Muslimiinta Blackburn oo Nadaafadda ka shaqeynaya.

MUQDISHO (HN) — Nadaafadda iyo bilic-ilaalinta wuxuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa.

Si ay u ilaaliyaan heerka fayadhowrka iyo degaan bilicsanaanta, Muslimiinta Blackburn ayaa iskaga yimid inay ol’ole nadaafadeed ka sameeyaan hareeraha masjidkooda – iyaga oo soo ururiyay 250 baag oo qashin ah – nadiifiyayna in ku dhow 100 laami iyaga oo waliba sooman.

Baaqoodii ah in la iskugu yimaado ol’olahan waxaa soo ajiibay in ka badan 60 da’da culus ah oo lab iyo dhedig isugu jira. Waxaana la isku qeybiyay koox koox la iskuna jaaday dhinacyada samafalayaasha oo dhan si ay wadajir uga howlgalaan ol’olaha bilic-joogteynta.

Kaddib saacado xiriir ah oo ay u dhabar-adeygeen howshooda iyaga oo sooman, waxay wax muuqda oo la taaban karo ka sameeyeen Blackburn.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!