crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Iskuulka wax loogu dhigo Carruurta ‘hadalku kasoo daaho’. | HimiloNetwork

Gudaha Iskuulka wax loogu dhigo Carruurta ‘hadalku kasoo daaho’.

MUQDISHO (HN) — Ma joogaan goob dalxiis ama fasal kamid ah fasaladda xanaananooyinka caadiga ah ee  carruurta ah.

Kuwani waa carruur hadalku kasoo daahay oo qaba xanuunka autism-ka kuwaas oo halkan ka helaya fursaddii ugu muhiimsaneyd noloshooda oo ah in loo diyaariyo la fal-gelidda walxaha iyo tan ugu muhiimsan iyada oo dhan oo ah inay ugu dambeyntii hadli karaan.

Waana dadaal ay horboodayaan jiil da’yar hablo u badan kuwaas oo aqoon waaya’aragnimo lagu dhisay kasoo helay tacliin dibadda.

Xarunta al-Mustaqbal oo ah iskuul nuuciisa kii ugu horreeyey oo caasimadda laga furo kaas oo isku taagay in carruurta baahiyaha gaarka ah qaba uu siiyo leyli joogto ah oo lagu fahamsiinayo garashada dhawaqa ereyada iyo fahamkooda waxaa ka dhex jira halgan joogto ah.  

Shalay oo kale oo aan booqasho ugu tagnay xaruntooda, waxay ahayd maalin kale oo aan fahamnay nolosha aan sahlaneyn oo goor hore oo cimrigooda kamid ah ay ku barbaarayaan carruurtan oo tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 50.

Balse taasi kama horjoogsan howl-wadeennada haweenka u badan inay waqti badan geliyaan dadaalka ay ku bixinayaan carruurtan. Raxma Maxumud, oo kamid ah macalimiinta dugsiga, waxay cilmiga saykolojiga kasoo baratay dalka Sudan – iyada oo ogsooneyd sida haddii ilmaha baahiyaha gaarka ah qaba loogu helo wax-barasho iyo leyli ay qeyb libaax leh uga qaadan karaan horumarka iyo wax-soo-saarka dalka.

“Dalka Sudaan carruurtan oo kale waxay qeyb libaax leh kaga jiraan wax soo saarka iyo hal-abuurka, waxaana loo arkaa halyeeyo,” ayay tiri Raxma.

Sidaas darteed, subax walba waxay usoo diyaargarowdaa la kulanka dhallaan cusub oo u baahan in lagu tirtirsiiyo hadal iyo wax-qabad – howl ay miraha kasoo baxay ka aragtay ardaydeeda qaba baahida gaarka ah.

“Way i dhiirri-gelisaa marwalba oo aan arko xogaa siyaado ah oo aan ka dareemo caruurta sida inay ila hadli karaan; kana falcelin karaan wixii la weydiiyo,” ayay sii raacisay.

Mana ahan barayaasha dugsiga kuwa qura ee is-beddelkaas ka qaadaya dhiirri-gelin iyo horusocod. In kale oo waalidiinta dhalay carruurtan kamid ah, sida Seynab Xasan Cali, oo ah hooyo wiilkeedu la xanuunsan yahay autism-ka, marnaba maanay fileyn is-beddelka ku dhacay inankeeda.

“Hadda hooyo ayuu idhahaa; wuxuu isku dayaa inuu ila fal-galo, xiriir dhab ah oo laxawsi ku dhisan ayuu maalin walba ila sameeyaa,” ayay tiri iyada oo faraxsan.

Aas-aasaha xaruntan, Raxmo Abduqaadir Maxamed ayaa la timid hindisaha ah in carruurta qaba baahiyaha gaarka ah loo helo goob wax lagu baro in yar kaddib markii ay cilmiga kasmo-nafeedka kasoo dhigatay dalka dibaddiisa – bilow u muuqday inuu yara adkaa maadaama aysan heli karin barayaal ku gaaroobay wax-barista eynigan oo kale.

“Waxa igu kalifay waxay ahayd inaan cidla looga tagin jiilkeenna, oo ay helaan fursad dhinaca wax-barashada ah si loogu sahlo hadal iyo wax-qabsasho,” ayay tiri. “Waana mid adag madaama qof walba oo ku habboon shaqadaas aan la helin karin, laakiin hadda waxaynu heysanaa dadkii ehelka u ahaa howshan,” ayay tiri.

Laakiin, sidaas oo ay tahay, marwalba waxaa dubaaqeeda ku weynaa in ubadka la qaba autism-ka iyo wixii la halmaala aan lagu karantiilin xanuunkan.

Taniyo muddaba dalkeenna waxaa ka jiray xanuunka autism-ka laakiin, fahamka  bulshada ay qabaaan oo ah inaan waxba laga qaban karin xanuunkan iyo kaalintii dowladnimada oo meesha ka maqan, waxay keentay in da’yar ay ku koraan kuwaas oo si muuqata looga dhex sooci karo bulshada inteeda kale.

Haddii sidaan oo kale carruurta uu haleelo autism-ka loogu furo goob wax lagu baro waxaa lagu guuleysan karaa in cunugu isaga oo yar oo kasoo kabsado xanuunka oo haddii uu weynaado aan waxba laga qaban karin.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!