crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dayniile – Wax walba oo ku saabsan Degmada Dalxiiska. | HimiloNetwork

Dayniile – Wax walba oo ku saabsan Degmada Dalxiiska.

MUQDISHO (HN) — Degaan quruxsanaanta aalaaba waa astaan lala xiriiriyo degmadan oo aan xarunteedu ay bartamaha magaalada u jirto fogaan ku dhow 7 km.

Waana gudaha marka aad usoo gashid dhexdeeda goorta aad fahmayso in Dayniile aysan kaliya lahayn muuqaal dabiici ah, balse adduun iyo waqti adag gelinayso in degmadu yeelato muuqaal soo jiidasho leh.

Xarunta degmada oo ballac ahaan ku fadhisa dhul aan u ballaaran waxaad ku arkaysaa beer qurxoon oo deegaan la jaal ah taas oo dhirta ku cammiran ka sokow adeegsanaysa danab koronto oo laga dhaliyo cadceedda taas oo ifinaysa xilliga habeenkii. Waana kolka aad si dhab ah u fahmaysid micnaha heesta ay talantaaliga ugu luuqeeyaan Kabayare iyo Dalmar yare.

Dhalinyarada iyo bulshada degmada ayaa, si kastaba, si isla’eg ugu soo daawasho iyo dalxiis taga. Waxaana ka jira dhadhaqaaq bulsho oo bahda jecel kubadda ay galabkii ku dheelaan salaxa degmada.

In kasta oo ciyaaraha kubadda cagta aysan Dayniile ka sameynin horumar la taaban karo – dhowr marna weji-gabax ay kala timid tartamada gobalka – haddana, waxay si firfircoon uga muuqataa qeybaha kale ee nolosha oo dalxiisku kaga jiro kaalinta hore.

Ra’yi ururin la sameeyey sannad kahor ayaa caddeysay in Dayniile ay tahay degmada loogu majeersi badan yahay dhinaca dalxiiska iyo damashaadka, marka lala barbardhigo degmooyinka kale ee caasimadda. Abaal-gudkii Sannadlaha ahaa oo Mogadishu Award ay ku abaal-marisay kaalinteeda dalxiiska ayaana xoojinaysa ra’yi ururintaas.

Barta ay juqraafi ahaan kaga dhacdo caasimadda iyo xuduudaha ay labada Shabeelle la wadaagto ayaa sidoo kale siinaysa micno gaar ah. Adeegsiga Gamaanka siiba Fardaha oo degmadu ay caan ku tahay ayaa ah sir kale oo xoojisay kobaca dalxiiska.

Gu’yaal badan, Dayniile waxay ahayd mid maqalkeeda lala xiriiriyo bahda wax-barashada iyo tartan aqooneedyada marwalba oo la gaaro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Dhowr sannadood oo xiriir ah ayay degmadu hanatay koobab badan oo tartan aqooneed loo qabtay degmooyinka gobalka iyo kuwa dalka taniyo sannadkii 2014-ka.

Sannadkii 1986-kii, ayuu, si kastaba, kaligii-taliskii MSBarre degmo ahaan u aqoonsaday Dayniile. Waana degmada ugu badan oo xarumo militari uu ka sameystay Kacaankii October sida Xerada 77, Bangala, iyo kuwa kale.

Maanta, degmadu waxay sameynaysaa kobac dhismo oo xowli ah iyo degaamaysi bulsho oo ballaaran. Waxaana ay hoy u tahay bulsho aad u tiro badan. Dhismaha laamiga dheer ee degmada kaas oo wali howshiisu qabyada tahay ayaa xusid mudan inuu qeyb weyn ka qaadanayo horumarkeeda.

Marka aan usoo laabano gudaha degmada, waxaa ka jira dhismayaal cusub oo loogu diyaargaroobo marti-gelinta martida iyo fududeynta adeegyada bulshada.

Dhismahan idin muuqda oo ah hool cusub wuxuu dhismihiisa qaatay muddo saddex bilood ah inuu kusoo gabagaboobo, waxaana loogu tala-galay in lagu qaabilo laguna soo bandhigo hal-abuurka da’yarta degmada iyo bar kulmis ay billadaye ahaan iskaga dhex arki karaan martida iyo muwaadinka degmada.

Si kastaba, haddii, kubadda cagta ay degmadu ahmiyad u siiso si lamid ah fanka, cilmiga aqoonta, dalxiiska iyo degaan quruxsanaanta, shaki kuma jiro inay horyaal aan la loodin karin ka noqon doonto gobalka iyo guud ahaan waddanka.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!