MUQDISHO (HN) — Dilalka, afduubka iyo xariga aan sharciga ahayn ee lagula kaco suxufiyiinta waa sheekooyinka muuqda oo gu’yaal badan ay lasoo kulmeen iyaga oo gudanaya howlaha warbaahineed oo ay u hayaan umadda.
Waxaase jira halgan gudaha ah oo suxufiyiintu ay maalinle ula nool yihiin kaas oo aan aalaaba helin madal lagfu gorfeeyo taas oo qaar badan ka dhigtay dhibanayaal la iska hilmaamay iyo shaqaale aan xurmad ku heysan howsha ay hayaan.
Waxaana caasimadda Muqdisho lagu qabtay madal lagu soo bandhigayay buug yare tilmaamaya dhibaatooyinka dahsoon oo ay suxufiyiinta kala kulmaan goobaha shaqada iyada oo isla eegeyey gudaha marka loo daadego sida ay tahay nolosha iyo xaaladda uu wariyuhu ku shaqeeyo.
Ustaad Farax Cumar oo ah Xoghayaha Fesoj ayaan weydiiyay waxa waqtigan kusoo beegay soo saaridda buug yarahan.
“Waxaan dhowr tababbar oo aan qabanay ka dhex aragnay muhiimadda ah in wax laga yiraahdo nolosha iyo habka shaqada oo ay suxufiyiintu ku howlgalaan. Waxaana inoo soo baxday wax badan oo sixid iyo la socosho u baahan si loo hubiyo xuquuqda suxufiga iyo ilaalinteeda,” ayuu yiri Farah.
Mushaharka suxufiga uu ku shaqeeyo iyo ku sanduleynta ama yeelsiinta go’aan ka dhan ah xurriyaddiisa qofeed oo mararka qaar halis gaarsiin karta noloshiisa waa caadiyan qaar kamid ah tacadiyada gudo ahaaneed oo ay la kulmaan.
Waxaa kale oo xaqiiqo aan in badan ka dahsooneyn bulshada noqoneysa naf-hurnimada uu suxufigu ku howlgalo in wax u dhigma dhidikiisa ama mushahar ah aanu ka helin rugta uu ka shaqeeyo taas oo weji-gabax ku noqoneysa xarumaha mulkiilayaasha warbaahinta.
Ustaad Farah ma ahan mid uu moog yahay shaqsi ahaan. Maxaase laga qabtay ilaa hadda?
“Waxaanu la kulannay agaasimaayasha xarumaha oo runtii in badan ka garaabay duruufaha adag oo suxufiyiintu kula shaqeeyaan, halka qaar kalana ayba iska indha-tireen siinta xuquuqda wariyaha sida fasaxyada, abaalmarinta iyo wixii la halmaala,” ayuu yiri. “Waxaana muuqanaysa in weriyuhu aanu wax badan kala socon waxa uu leeyahay iyo waxa lagu leeyahay – si fudud, mahelaan wax u dhigma waxa ay qabtaan.”
Balse ka baqitaanka inay shaqadooda ku waayaan ka hadalka mushahar ama gunno ay xaqqa u leeyihiin in lasiiyo waa cabsi kale oo dheeri ah, marka loo eego Ustaad Faarah.
“Waxaanu aragnay in qaar badan aysan ku dhiirran karin inay weydiistaan xuquuqda ka maqan – iyaga oo u baqaya inay waayaan shaqada ay hayaan,” ayuu yiri.
Qaar badan sida wariyayaal aanu kula kulannay goobta ayaanu weydiinay inay nala wadaagaan farriimaha nool oo ay kala bixi karaan buug yarahan. Waxaana ka muuqanaysa aragti cusub inay ka qaateen tilmaamaha ku jira.
In la helo suxufiin qaada mas’uuliyad umadeed kuwaas oo ka fiyow nix-jecleysi iyo u kala hiilinta dhinacyada is haya waxay kasoo bilaabanaysa in loo damaanad qaado helidda xuquuqaadka ay ku leeyihiin xarumaha ay u shaqeeyaan si aanay u damaacin dheeraadka lagu sheegay sharuur kaas oo aan kaliya dilaynin sumcaddooda balse sidoo kale ka qaadaya xurriyadda go’aan qaadashada marba haddii faro dufna leh wax loogu dhiibay.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.
You must log in to post a comment.