HomeDunida MuslimkaMuslimiinta Edmonton oo bogaadiyay yeermada Aadaanka Codbaahiyaha.

Muslimiinta Edmonton oo bogaadiyay yeermada Aadaanka Codbaahiyaha.

MUQDISHO (HN) — Ka Moona Khan ahaan oo ku nool Edmonton dhawaqa aadanka uga yimid codbaahiyaha masjidka waxay ku reebtay farxad aan dhammaaneyn.

“Waxaan ku dareemay lahaansho iyo inan qeyb kamid ah bulshada ahay – in dhaqankaada iyo caqiidadaada ugu dambeyntii la aqbalay,” Khan ayaa u sheegtay The Canadian.

Aadanka ayaa sababo cabasho awgeed looga mamnuucay Edmonton, si kastaba, sannadkii labaad masaajid badan oo Kanada ku yaalla ayaa loo idmay inay codbaahiyaha u adeegsan karaan aadaanka marka gabbalku dhaco.

Yasin Cetin, oo ah la-taliye bulsho ayaa aamisan in dhawaqa aadaanka uu yahay mid ay Muslimiinta Kanada sannadkii labaad ku dareemayaan dabaal-deg Ramadaan.

“Caqabaddu waxay tahay waxaan luminaynaa xiriirkii aanu na lahayn Kanadian-ka,” ayuu yiri. ‘Laakiin dhawaqa aadaanku marka dhagahaada uga soo dhaco dhanka codbaahiyaha waxaad dareemeysaa lahaansho iyo inaad tahay muwaadin Kanadian ah.”

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments