crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Edmonton oo bogaadiyay yeermada Aadaanka Codbaahiyaha. | HimiloNetwork

Muslimiinta Edmonton oo bogaadiyay yeermada Aadaanka Codbaahiyaha.

MUQDISHO (HN) — Ka Moona Khan ahaan oo ku nool Edmonton dhawaqa aadanka uga yimid codbaahiyaha masjidka waxay ku reebtay farxad aan dhammaaneyn.

“Waxaan ku dareemay lahaansho iyo inan qeyb kamid ah bulshada ahay – in dhaqankaada iyo caqiidadaada ugu dambeyntii la aqbalay,” Khan ayaa u sheegtay The Canadian.

Aadanka ayaa sababo cabasho awgeed looga mamnuucay Edmonton, si kastaba, sannadkii labaad masaajid badan oo Kanada ku yaalla ayaa loo idmay inay codbaahiyaha u adeegsan karaan aadaanka marka gabbalku dhaco.

Yasin Cetin, oo ah la-taliye bulsho ayaa aamisan in dhawaqa aadaanka uu yahay mid ay Muslimiinta Kanada sannadkii labaad ku dareemayaan dabaal-deg Ramadaan.

“Caqabaddu waxay tahay waxaan luminaynaa xiriirkii aanu na lahayn Kanadian-ka,” ayuu yiri. ‘Laakiin dhawaqa aadaanku marka dhagahaada uga soo dhaco dhanka codbaahiyaha waxaad dareemeysaa lahaansho iyo inaad tahay muwaadin Kanadian ah.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!