crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maktabadda LABADA Dameer. | HimiloNetwork

Maktabadda LABADA Dameer.

MUQDISHO (HN) — Macalin iyo labadiisa dameer oo ay ugu raran yihiin tiro buugaag ah ayaa ku jira howlgal uu ku quudiyo maskaxda carruurta bulshooyinka yaryar ee ku nool Colombia. Luis Soriano wuxuu rajeynaya in ficilkiisani uu qeyb weyn ka qaadan doono nabad lagu soo dabaalo dalkiisa.

Taniyo sannadkii 1930-kii, rabshaduhu waxay ahaayeen astaan lala xiriiriyo nolosha Colombian-ka. Sannadkii 1948-kii ilaa 1957-kii, dalka waxaa ka dhacay dagaalkii sokeeye ee loo yiqiin La Violencia kaas oo ay ku dhinteen 250,000 oo qof.

Dhacdooyinkan xasaraddaha leh waxay abuureen jawi cabsi iyo sugnaan la’aan ah inay bulshada Colombia ku noolaadaan.

Badi muwaadiniinta waddanka waxay ku qasbanaadeen inay ku noolaadaan nolol hooseeya oo faqriga iyo makasnimada la deris tahay.

Sannadkii 1997, si kastaba, Luis Soriano, macalin reer miyi ah ayaa la yimid aragti waalli ah oo ah in carruurta loogu keeno buugaagtaa adeegsiga gammaanka siiba dameeraha.

Wuxuu leeyahay laba dameer oo uu u bixiyay Alfa iyo Beto – waana meesha uu kala yimid magaca Biblioburro oo ah Maktabadda Dameerka.

Toddobaad kasta, Luis oo ah macalin dugsiga hoose ah wuxuu labadiisa dameer ku raraa buugaag gaaraya 70 ilaa 120.

Dameerka Alfa waa midka qaada buugaagta ugu badan. Waxayna labaduba socdaan masaafo ama fogaan dhan 3 ilaa 11 km maalin walba  – iyaga oo carruurta miyiga ugu geynaya guryahooda. Safar walba wuxuu ugu yaraan qaataa 8 saacadood oo xiriir ah maalin walba.

Wuxuu sheegay in aragtida ah in dameeraha loo adeegsado in lagu raro buugaagta ay ku dhalatay markii uu arkay in wax aqrisku uu qeyb weyn ka qaatay kobaca iyo aqoonta carruurta Colombia ee ku nool goobaha ay dagaalladu halakeeyeen.

Ujeedkiisu waa inuu la diriro jahliga iyo makasnimada kana caawiyo inay si fudud uga shaqeeyaan leyliyada looga soo diro dugsiyada isla markaana agab walba oo wax aqriska ka saacidaya loo sahlo oo aysan ku heysan xaafadahooda.

Marka ay ilmuhu isugu soo ururaan wuxuu meel furan oo fadhiisi leh u dhigaa miis la isku laballaabi karo halkaas oo ay kaga shaqeeyaan leyliga iskuulka halka kuwa kalana ay ku nastaan aqriska buugaagta.

Awalkii hore, Luis Soriano wuxuu buugaagta ku ururin jiray gurigiisa oo ay kala shaqeyn jirtay xaaskiisa Diana iyo saddexdiisa carruur. Laakiin, markii baahida loo qabo buugaag dheeri ah ay badatay, isaga oo kaalmo ka helaya Cajamag oo ah Machad maalgelineed, wuxuu awooday inuu dhiso Maktabad oo hadda laga heli karo in ka badan 5,000 oo buugaag ah.

“Waxa aan rabno inaan baro carruurta waa inay ogaadaan xaqa ay leeyihiin, mas’uuliyadda iyo waajibaadka laga rabo inay gutaan. Marka ay intaas gartaan, cunug walba oo cilmiga ka kororsada Biblioburro wuxuu noqonayaa muwaadin awoodi kara inuu maya ku yiraahdo dagaal sokeeye oo dambe iyo dhiig micno la’aa ku data,” ayuu yiri.

Halgankiisu wuxuu helay baraarug caalami ah halkaas oo sannadkii 2011 lagu casuumay Bariga Timor si uu waaya’aragnimadiisa ula wadaago. Hadda wuxuu howlgalkiisa kusoo daray qaab digital ah oo wax looga baran karo Maktabadiisa.

In kasta oo muggii hore uu bulsho yar oo carruurtoodu gaarayso 200 u fidiyay adeeggiisa, haddana helidda kaalmada samafalayaasha waxay Luis Soriano ka saaciday inuu ku ballaariyo mashruuciisa bulshooyinka la jaarka ah.

“Qabashada howshan waxay ku timid naftayda oo xageeda u go’day,” ayuu yiri. “Waxaan doonaya inaan wax-tare iyo loo-aaye u noqdo umadayda oo aan u adeego.”

Soriano wuxu dareemaya in camalkiisu uu maalin maalmaha kamid ah saameyn ku yeelan doono cuquusha jiilka maanta  si ay ugu noolaadaan nabad iyo is jaceyl.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!