MUQDISHO (HN) — Qalabka wax duuba ayaa qabtay muuqaalka Muslimiin samafalayaala ah oo gurmad degdeg ah la gaaraya qof ku dhex xirmay gaari gubanaya gudaha magaalada St. Paul, Minnesota.
Muuqaalka oo aad u baahay wuxuu muujinayaa badbaadiyaasha oo ka dheereynaya waqtiga si halhaleel ah kaddib markii dabk uu si xooggan u wada qabsaday gaari uu ku dhex jiray qof.
Kadir Tolla, wuxuu ahaa geesigaas Muslimka ah ee dabka u bareeray si uu naf la nool uga soo badbaadiyo!
“Wuxuu ahaa muuqaalkii iigu naxdinta badnaa – markii aan arkayna waxaan durba ka fikiray suuragalnimada haddii qof bani-aadan ah uu ku dhex jiro iyo in kale,” ayuu yiri.
Waana sida uu saadaalin karay. Qof ayaa gaarigaas gubanaya ku dhex neef qabatoomayay oo kari la’aa tab uu kaga baxo.
Tolla iyo saaxiibadii ka ag dhawaa, ayaa si kastaba, isu geeyey karaankooda si ay naftaas u badbaadin lahaayeen. Waxayna maareeyeen inay darawalkii gaarigaas si fudud ku badbaadiyaan.
Islaamku meel sarraysa ayuu geeyey badbaadinta naf nool – ha noqdo bani-aadan ama noole kale. Waxaana Ilaahay dul dhigay ajar iyo abaalgud weyn samafalkaas.
You must log in to post a comment.