crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ka ganacsiga Dadka “Human Trafficking” | HimiloNetwork

Ka ganacsiga Dadka “Human Trafficking”

Qeybtii labaad;
  1. Brazil—si lamid ah Hindiya iyo China, waa dal koror dhaqaale kusii socda. Farqiga u dhaxeeya saboolka iyo tanaadkuna waa badweyn. Dadka-ganacsigu waa dhib kusii baahaya gudaha Brazil. Ujeedada ugu weyn ee ka-ganacsigan ayaa ah in la helo dhillooyiin dalxiisayaasha soo jiita. Sidoo kale, xoogsatada ayaa lagu sandulleeyaa inay qabtaan howl aan u dhigmin gunnadooda. Dowladda Brazil waxay isku dayaysaa inay xakame bir ah ku qabato dad-ka-ganacsadayaasha.
  2. Haiti—waa dal yar oo dhaca koofur Ameerika. Waa dal sabool ah oo ku tiirsan dalxiiska. Waxay kasoo yaacaan Yurub iyo Maraykanka. Dhibta ugu weyn ee dadka-ganacsiga waxa wajaha Haiti oo ah sababo adoonsi iyo dhillaysi. Hayeeshe, waxa xanuunka leh ayaa ah in gabdhaha laga dhillaysto ay da’doodu u dhaxeyso 10—12jir. Gabdhahan ayaa lagu jujuubaa inay galmo la wadaagaan dalxiisayaasha maadaama ay doorbidaan gashaantimo ugub ah. Waxaa la siiyaa wax ka yar 1—doolar maalintii halka ay mararka qaar ku baryootamaan in dhuunta un loo qooyo.
    La soco qeybaha xiga….
    bangladesh1-300x202haitibrazil-300x142
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!