MUQDISHO (HN) — Cayaaryahanka kiriket-ka Koofur Afrika, Bjorn Fortuin ayaa bartiisa instagram-ka soo dhigay in isaga iyo xaaskiisa ay qaateen diinta Islaamka inta lagu jiro bisha Ramadaan.
“Xalay waxaa shahaadada loo qabtay Bjorn waxaana uu doortay in loo bixiyo Imaad ayaa lagu hoos qoray sawir bartiisa lagu share-gareeyey.
Lammaanaha ayaa aqal galay 25 April kaddibna waxay qaateen diinta Islaamka.
Asxaabtiisa iyo dadka sida dhow ula socda ayaa ugu hambalyeeyey kamid noqoshadiisa bulshada Muslimka ah.
Bjorn ma ahan qofkii koowaad ee katirsan kiriketka Koofur Afrika oo qaata Islaamka waxaana ka horreeyey Wayne Parnell.
Xiddiga Brooklyn Nets Kyrie Lrving ayaa sheegay inuu islaamay sidaas darteedna uu bisha Ramadaan la soomayo bulshada Muslimka ah.
Bilowgii sannadkan ayay ahayd markii laacibka NBA Maraykanka, Steve Jackson ayaa qaatay diinta Islaamka.
You must log in to post a comment.