Nuxurka Tababbarka Maxkamadda Mala-awaalka ee lagu qabtay Xarunta Kaalmo-sharciyeedka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii ugu horreysay waxaa Xarunta Kaalmo-sharciyeedka Jaamacadda Muqdisho lagu qabtay tabbabar loo bixiyay Maxkamadda Mala-awaalka oo ardaydu si ficliyaysan loogu iftiiminayay sida lagu dhaqan-gelin karo aragtiyada iyo nadariyaadka loogu dhigo kulliyadaha Sharciga iyo qaanuunka.
Ardayda kulliyadan oo ka kala yimid dhowr jaamacadood oo Muqdisho ku yaalla, wuxuu tabbabarkan u ahaa tallaabtii ugu horreysay oo ay wadajir u wada qaadaan – iyaga oo metelaya jaamacadahooda. Balse in badan kamid ah madashan oo kale wali ma dhicin inay isku yimaadaan.
Waxay ahayd kaliya ardayda ku jirta kuliyadda sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda Muqdisho kuwa tiro dhowr jeer ah tabbabarkan oo kale loogu qabtay Xarunta Kaalmo-sharciyeedka.
Dal badi wax-barashadiisu ku sar go’an tahay nadariyaadka ku qoran buugaagta oo aan helin goobo sidan oo kale lagu dhaqan-geliyo cilmiga qoran, aqoon-is-weydaarsiga iyo gorfeynta dhex-taalka u ah oo ay isku dhiibdhiibayeen waxay diraysay farriin soo daahday oo xilli ku habboonayd in lala kowsado.
Xirashada huga iyo maryaha lagu yaqaan garsoorayaasha iyo qareennada iyo hannaanka qoran ee lagu garto shaqada maxkamadda oo labada dhinac ee dacwadda laga dhageysto kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijada gunaanadka, waxay geesta kale ka ahayd dhanbaal horu-dhac u ah soo if-baxa jiil da’yar oo awoodi kara inay qeyb ka noqdaan soo celinta rajadii lagu heli lahaa heykalkii adkaa ee cadaaladda iyo garsoorka oo muddaba ku jiray habacsanaan.
Qeyb kamid ah u darbidda ardayda kulliyadda sharciga iyo qaanuunka sida ay maxkamadaha dalka iyo dibbadaba mustaqbalka si dhib yar uga howl-galaan, Maxkamada Mala-awaalka oo hoos tagta Xarunta Kaalmo-sharciyeedka Jaamacadda Muqdisho waxay ardayda kuliyadda siisaa tababbaro la xiriira dhaqan-gelinta cilmiga ay bartaan.
Muddooyinkii danbe, kuliyadaha lagu barto sharciga iyo qaanuunku waxay soo jiiteen indhaha jaamiciyiin badan – halkaas oo u eegis la’aan rag iyo dumar – ay kaalin isla’eg ku leeyihiin. In kasta oo muuqaal maanta ka dhex jira kulliyadaha sharciga ay iftiimin karaan baraarug la xiriira fahamka ay jiilka da’yarta ahi u yeelanayaan muhiimadda barashada sharciga iyo qaanuunku ku leeyahay dalka, haddana muuqaalkani ma ahayn mid soo jireen ah dhowr iyo 10-kii sano ee lasoo dhaafay.
Bilowgii hore, in sharciga iyo qaanuunka la barto waxay ahayd wax la dheereysto. Go’aanka ah kamid noqoshada ardayda kulliyadana ma ahayn mid si sahlan lagu gaaro. Dadka oo muddo ka dheeraaday nidaamkii kala-danbeynta iyo u hoggaansanaanta shuruucd dowliga ah, in qofi yiraahdo waxaan baranayaa sharciga waxay ahayd mid lagu maadaysto. Waxaa kale oo liifaddeeda lagu sii gaabin jiray halbeegga ah barasho kadib halkee ayaad kaga shaqeynaysaa aqoonteeda?!
Su’aashaas iyo kuwa kale laga yaabee inay ahayd caqabad ku horgudbanaatay dad badan oo ku riyoon jiray inay mar un rumeeyaan. Nasiib-wanaag, riyadaas waxay – kasokow aqoon-yahannadii seeska u noqday – u rumowday dad badan oo ay kamid yihiin ardayda iyo macalimiinta ku jira qoyska kulliyadaha sharciga iyo qaanuunka.
In kasta oo aragtida laga qabo barashada Sharciga iyo qaanuunka aysan wali u muuqan mid yeelanaysa dhamaadka lagu wada qanacsan yahay, haddana warka farxadda leh wuxuu yahay in haweenku door muuqda ku leeyihiin kulliyadda. Waana tilmaan muujinaysa mustaqbal soo socda oo dhinac kasta oo laga eego is dheelli-tiri kara.
Haddii lala noolaado u diyaargarowga nuuca uu dalkani u ekaan karo timaadada, dadka wali ku hal-adag aqbaliyadda aragtida la xalin karo balse loo batay xaggeeda, waxaan qabaa in laba Cali aysan is weydiinayn sida xeesha fog oo aan ugu baahi qabno helidda sharci-yaqaanno dib noogu celiya hilinkii wacnaa ee laga tasoobay.
Dadaallada soo kabsiga ah ee loogu jiro hiigsiga umad kama dambaystii ku midowba dowladnimo qura, waa muhiim in fiiro gaar ah la siiyo jiilka da’yarta ah ee baranaya sharciga iyo qaanuunka. Mar kasta oo sharci-yaqaannadu soo kordhaan, waxay xargaha u jaraysaa dulmiga iyo ku takri-falka ku dhisan nin-tooxsiga.
Haddiise maamullada jira aysan xil gaar ah iska saarin kobcinta kulliyadaha sharciga iyo qaanuunka, waxaa adkaanaysa is qabadsiinta hanka nagu jira iyo howl-galkeenna tiigsiga fog.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!