MUQDISHO (HN) — Sawiro aan horay looga heyn Dhagaxa Kacbada ayaa dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Barakaysan ee Makka.
“Waa door iyo abyan waayo horay uma aynan arag,” ayuu yiri Afifi al-Akiti, oo arday Daraasadda Islaamka ka dhigta Jaamacadda Oxford isaga oo la hadlayay CNN.
Dhagaxa madow oo sidoo kale loo yaqaan Xajarul-aswad waxaa dhadhaab laga keenay Jannada; mana ahan mid caadi ah; Muslimiinta ayaa aad isugu daya inay u dhawaadaan si kastaba marka ay ku wareegayaan Kacbada.
Dhagaxu wuxuu yaallaa dhinaca geeska BARI ee Kacbada.
Xujeyda ayaa isku dayda inay dhunkadaan. Aad baase loo ilaaliyaa. Waana dhagax dhigii ugu horreeyey ee Kacbada.
Cumar bin Khadab marka uu ku dul meerayo wuxuu dhihi jiray ‘wallaahi waxan ogahay inaadan waxba goynin; ee Ilaahay dartiis ayaan kuugu dulmeerayaa.’
You must log in to post a comment.