crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimad jidka ka heshay Wiil Darbi-jiif ah oo kafaala-qaadaysa noloshiisa. | HimiloNetwork

Muslimad jidka ka heshay Wiil Darbi-jiif ah oo kafaala-qaadaysa noloshiisa.

MUQDISHO (HN) — Daryeelka carruurta dibjirka ah aad bay diintu u bogaadisay, kumana sii jirto haddii ilmahaasu ay yihiin agoon aan rixam kaalmeeya u joogin in la kafaalo qaado.

Si kastaba, Ramadaankii dhammaaday, haweeney Muslimad Nigerian ah ayaa ficilkeedu taabtay qalbiyada malaayiin dad ah kaddib markii wiil 12 jir ah oo ay ka heshay jidka ay go’aansatay inay noloshiisa bedesho – iyada oo geynaysa dusgi uu wax ka dhigto.

Layla Ali Othman waxay kuraygan kula kulantay waddo kamid ah waddooyinka caasimadda Abuja, durba markii ay aragtay xaaladda uu ku sugan yahay, waxay go’aansatay inay qoyskiisa weydiisato si ay u koriso – iyada oo u damaanad qaadaysa wax-barashadiisa iyo baahiyaha kale ee gaarka ah.

Sawirka ay iskula jiraan wiilka oo ay soo dhigtay ayay asxaabteeda ugu sheegtay go’aanka quruxda badan oo ay hor Ilaahay uga qaaday inankan si uu mustaqbalka ifaya u yeesho.

“Berriba wuxuu bilaabaya wax-barashada; wiilashayduna way ku faraxsan yihiin la kulankiisa; aniguna waxaan hadda heystaa – saddex wiil,” ayay tiri.

Dad badan oo ka fal-celiyay qoraalkeeda ayaa bogaadin iyo duco isugu daray.

Islaamka ayaa oggol in xanaano iyo daryeel la siiyo dadka ayaanka liita iyaga oo heybta ay u dhasheen – sida aabihii dhalay – aan laga beddelin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!