11 July – Maalinta Dadyowga Caalamka.

Muqdisho (Himilonews) – Maalinta Caalamiga ee Dadyowga taas oo raadisa inay diiradda saarto dardar-gelinta ah iyo muhiimadda xaaladaha dadyowga waxaa markii ugu horreysay dhistay Guddi QM u qaabilsanaa horumarinta barnaamijyada sanadkii 1989. Taniyo markaasna, Maalintan waxaa loo asteeyey 11 July sanad kasta in looga dabaal-dego in ka badan 90 dal.
Qiyaasta hadda jirta ayaa qeexda in 83 malyuun oo dad ah ay kusoo kordhaan dadyowga caalamka sanad kasta. Xittaa iyada oo aan la dafiri karin sida heerka dhalmada ee taranta qaar oo haweenka dunida kamid ah u liicayso, dadyowga caalamka waxaa la filayaa inay gaaraan 8.6 bilyan sanadka 2030-ka – 9.8 bilyan sanadka 2050 iyo 11.2 bilyan sanadka 2100, marka loo eego saadaal isku dhaf ah oo la sameeyey.
Marka loo eego cilmi-baaris la sameeyey, si dhaqan umadeed tarankiisu usii jiro in ka badan 25 sanadood, waa in la helaa celcelis dhan 2.11 carruur ah inay dhasho haweeney kasta. Intaas wixii kasii hooseeya, way adag tahay in umaddaas kusii jirto. Taariikh ahaan, lama sheegin umad ama dad 1.9 carruur oo ay haweeneydiiba dhasho kusii jiray. Waayo waxay qaadan doontaa inay dib isku saxdo tiradaas muddo 100 sanadood ah.
Si kale marka loo dhigo, haddii laba qoys kasta ay dhalaan min hal cunug, way adag tahay in la helo da’dii iyaga badali lahayd. Haddii hal milyan oo carruur ah la dhalay sanadkii 2006-da, way adag tahay in helo laba milyan oo carruur ah marka la gaaro sanadka 2026-ka.
Marka taranta bulshadu liicdaba, waxaa sii luma jiritaanka dhaqameed ee umadaha. Sidaas darteed, Yurub waxay noqoneysaa qaarad gabowgu ku badan yahay. Celceliska isku darka dhowr iyo 30-ka dal ee ku midaysan Midowga Yurub waa 1.38 carruur haweeneydiiba. Cilmi-baaris taariikhiga ah ayaa tilmaantay in tiradan aysan suura-gal ahayn inay soo kabsato.
Sanado tirsamaya kadibna, Yurub sida aan ognahay waxa ku adkaanaysa inay sii jirto. Hadana dadyowga Yurub ku nool maliicayaan. Sababta oo ah waxaa ku badan soogalootiga sanad kasta kusii qulqulaya. Intooda badanna waa muhaajiriin kasoo hayaamay dalal Muslimiin ah.
Hayeeshe, qaaradda Afrika ayaa leh taranta ugu badan ee dadyowga caalamka. In kasta oo dagaallada sokeeye, tahriibka, gaajada, faqriga iyo wixii lamid ah ay yihiin mushkilad hoos u dhigaysa tirada dadyowga, hadana marka loo eego taranta haweeneyda Afrika ku nool caqabadahani uma muuqdaan si weyn.
Cudurrada qaar sida Duumada, Qaaxada oo lagu tilmaamo jirada saboolka iyo kan dilaaga ah ee AIDS-ka ayaa iyaguna saameyn muuqata kaga jira caqabadaha dib ula haray dadyowga Afrika.
Balse sida hadba qaarad kasta u wajahayso dhibteeda gaarka ah, ayay iskugu dayaysaa inay hubsato badqabka dadyowgeeda iyo tallaabo kasta oo xal ula muuqda. Hayeeshe, looma wada sinna dadaalladaas.
Dalalka Yurub ayaa aad ugu haliilaya sameynta suuragalnimo kasta oo ay ku hubsanayaan in haweenkoodu wax dhalaan dibna loo soo celiyo qiimaha iyo mudnaan siinta ahmiyadda qoysaska.  Si taas loo fahmana, labadii lamaane ee kasta kuwaas oo wax dhala waxay helaan fasax iyo lacag u dhiganta waqtigii ay ku bixin lahaayeen shaqada.
Afrika ayaanse lahayn qorshe muuqda oo ay kula dirirayso gaajada iyo cudurrada la degay dadyowgeeda. In kasta oo ay jiraan tallaabooyin loo qaaday sare u qaadista heerka wax soo saarka si loo dhimo faqriga, hadana macluusha iyo nafaqa-darrida ka jirta meelo badan oo qaaradda katirsan ayaan loo helin jawaabtii ay mudneyd.
Shaqa la’aanta ayaa iyadna la timid mushkilad insaani ah. Sanad kasta muwaadiniin badan oo Afrikan ah ayaa badaha uga gudba dooman si ay u gaaraan dunida Ninka Cad oo ay rumeysan yihiin inay ku abuuran karaan nolol dhaanta midda ay ku koreen.
Dhawaantanna, heerka dhimasho ee dhalmada haweenka ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika ayaa ku umul-raaca foosha. Taas oo iyadna albaab kale u furtay halista nololeed ee qaaradda ku gadaaman.
Soomaaliya waa meelaha ugu nugul kolka lasoo hadal-qaado mushkiladaha heysta dadyowga qaaradda. Tahriibka, umul-raacashada haweeneyda, cudurrada iyo abuuruhu waxay noqdeen waxyaalo aan gelin dhamaatiga. Musiibooyinka iyo mahadhada ka dhashay xaladahan, waxay dhagaheenna ku noqdeen joogto. Hayeeshe, inta laga helayo jawaabihii loo baahnaa in looga hortago mushkiladahan, saboolnimada iyo tiirarkeedu waxay noqon doonaan sumad si gaar ah noogula baadisooco.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!