crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Induniisiya oo Masaajidda faraysa inay xoojiyaan xamakeynta Covid-19. | HimiloNetwork

Induniisiya oo Masaajidda faraysa inay xoojiyaan xamakeynta Covid-19.

MUQDISHO (HN) — Masaajidda ku yaalla caasimadda  Jakarta, Indonesia, ayaa la faray inay sameeyaan guddi qaabilsan ilaalinta sharciyada loo dejiyay faafitaanka xanuunka Corona inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Go’aanka oo kasoo baxay Jakarta Provincial Government, ayaa imaanaya xilli loo fasaxay masaajidda in lagu cibaadeysan karo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Si kastaba, waxaa jira codsi adag oo ay la socto amarro fuli degdeg ah u baahan kuwaas oo masaajidda faraya inay raacaan hababka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19. Waxaana kamid ah in masjid walba aanu marti-gelin karin 50% tiro ka badan inta uu asal ahaan qaadi karo. Dadka ku cibaadaysanaya masaajiddana waxaa iyagana laga rabaa inay xirtaan afsaab ilaaliyaanna kala fogaanshaha.

Induniisiya waa waddanka ugu Muslimiinta badan caalamka kuwaas oo 80% ka tirada 220 milyan ah ee ku nool.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!